Nabadoon Caydiid: Anagaa codsanay kulanka Madaxweynaha

Image

GAROWE, Puntland- Madaxweynaha Puntland, Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, ayaa xalay xarunta madaxtooyada magaalada Garowe ku qaabilay nabadoonada gobolka nugal oo wehelinayaan mas’uul katirsan dowladda iyo maamulka caasumadda.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray arrimo kamid ah, ammaanka Garowe, abaaraha iyo sidii iskaashi buuxa u dhexmari lahaa dowladda iyo waxgaradka gobolka.

Shirkan oo warbaahintu bannaanka kajoogtay, ayaa lagusoo aadiyay xilli maalmo kooban Madaxweyne Gaas joogay magaalada Garowe.

Nabadoon Bashir Caydiid oo kamid ah Odayaasha la shiray Madaxweyne Gaas, ayaa Radio Garowe uga waramay waxyaabaha kulankaas diiradda lagu saaray, wuxuuna xusay in lagu lafo guray sidii loo xoojin lahaa amniga caasumadda oo dhaliil laga muujiyay iyo qaabkii wax looga qaban lahaa abaaraha.

Caydiid ayaa cadeeyay in waxgaradka gobolku dalbadeen shikraas isagoo intaas ku daray in madaxweynaha kala hadleen sidii ciidamo tababaran oo dhan walba ka dhisan u sugi lahaayeen amniga Garowe.

Abaaraha jira ayuu sheegay in Madaxweynaha kala hadleen, taasoo ay codsadeen in doorka dowladdu noqdo mid muuqda maadama uu jiro gaabis xoog leh.

Wuxuu intaas ku daray in shirkaas la isku waafaqay islamarkaana Madaxweynuhu ballan qaaday inuu wax ka qaban doono xaaladaha jira.

Wadada isku xirta Eyl iyo Garowe, ayuu Madaxweynuhu nabadoonada u sheegay inay dhawaan bilaaban doonto, wuxuuna ka dalbaday in loo diyaar garoobo sidii howshaas loo qaban lahaa.

Shirkan ayaa lagusoo beegay xilli muddooyinkii dambe magaalada Garowe ay gadood ka sameeyeen ciidamo ka cabanaya xuquuqo kamaqan muddo badan, taasoo keentay inay qabsadaan xarumo muhiim oo kamid tahay halka ay ku shaqeeyaan xildhibaanada Puntland.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM

Puntland oo qaadacdey shirka uu iclaamiyay Xasan Sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa 21-ka ilaa 22-ka bishan April u mudeeyay in uu qabsoomo shir madaxeedkan.

  • Puntland

    17-04-2024

  • 06:28AM