​Odoyaal ku shirsanaa Garowe oo qoraal u gudbiyey Barlamanka Puntland

Image

GAROWE, Puntland- Wararka Warsidaha Garowe Online helayo ayaa sheegay in qaar kamid ah Odoyaashii ka qayb galay shirkii Beesha Tanade Daarood ee todobaadkii hore lagusoo gaba gabeeyay magaalada Garowe ay u tageen Barlamanka Puntland oo ku guda jira Kalfadhigoodii 39aad.

Xubnaha ayaa sida wararku sheegayaan watay waraaq ay ku doonayaan in loo furo Dastuurka Puntland iyadoo la waafajinayo go’aan ay ku gaareen shirkoodii Garowe.

Odoyaasha ayaa Xildhibanaada u tagay maalinamadii Sabtida 5/07/2017  iyagoo ku guda jiray ka doodista ajandayaashooda ay uga hadlayaan kalfadhigan, kasoo uu shir guddoominayay Axmed Cali Xaashi.

 Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay oo la hadlay GO, ayaa sheegay in Odoyaashu isku dayeen inay u khudbeeyaan Xildhibaanada kadib markii ay warqad u gudbiyeen Guddoonka, balse taas badalkeeda xubnaha golaha wakiillada Puntland isaga dareereen fadhigaas.

Wararka ayaa intaas ku daraya in Xildhibaanadu kasoo horjeedeen dalabka Odoyaasha iyo ajandaha ku saabsan in laga hadlo furista Dastuurka Puntland, taasoo muddooyinkii dambe ay ka taagneyd dood xoog leh.

Xildhibaano tiro ahaan aad u koobnaa oo taageero u ahaa dalabkaas ayaa isku dayay in Guddiga matalayay Isimadii ka qayb galay shirkii Leelkase ay  jeedsadaan khudbadahooda ku aadan Kordhinta tirada Xildhibanada islamarkaana Guddoonku uu akhriyo warqadda loo dhiibay.

Balse arrintaas waxaa gaashaanka ku dhuftay Guddoonka Barlamanka Puntland oo sheegay inaysan ahayn mid sharci ah waxyaabaha Odoyaasha ku doodayaan, islamarkaana aysan horseed ka noqon karin qorshahaas.

Guddoonka ayaa sidoo kale diiday inaysan jabin karin qodob kamid ah Dastuurka Puntland oo dhigaya in lagu furi karo Afti dadweyne oo kaliya.

Kulankii maanta ayaa kusoo dhammaaday iyadoo aysan kasoo bixin wax natiijo ah.

Tallaabadan ayaa timid xilli dhawaan qaar kamid ah Isimadii ka qayb galay shirkii beesha Tanade Daarood ay ku hishiiyeen in Afar xubnood loogu daro golaha wakiilada. Hishiiskaas ma ahayn mid warbaahinta laga shaaciyay, waxaana baahintiisa kasoo horjeestey xubnaha shirka ka qayb galay qaybtood, kuwaasoo xusay inay u gudbin doonaan dowladda si loo arko mowqifka ay ka qaataan.

Xukuumadda uu hogaamiyo Madaxweyne Gaas ayaa dabada ka riixaysa in la kordhiyo tirada golaha wakiillada oo hadda ah 66 mudane oo ku salaysan qaab deegaan, waxaana Barlamanku horay uu go’aan uga gaaray warqad codsi ah oo katimid Cabdiwali Maxamed Cali.

Xildhibaanada ayaa diidmadaas ku sheegay in qorshahan uusan u wanaagsanayn midnimada iyo kala dambaynta Puntland, waxaana ay soo jeediyeen ciddii tabasho qabtay inay kasoo xalistaan deegaanka ay wax-qaybta yihiin.

GAROWEONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM