Puntland: Barlamanka iyo Madaxweyne Gaas oo hishiiyay

Image

GAROWE, Puntland- Wararka uu helayo Warsidaha Garowe Online, ayaa sheegaya in is-afgarad uu dhexmaray Madaxweynaha Puntland iyo golaha Wakiillada oo dhawaan cayriyay dhammaan wasiirrada xukuumadda taasoo ka dhalatay is-faham waa markii hore dhexmaray Cabdiwali Gaas iyo Guddi matalayay Barlamanka.

Sida ay sheegayso xogo aan ka helnay ilo wareedyo lagu kalsoonyahay, labada dhinac ayaa habeenkii xalay ku hishiiyay dhowr qodob oo ay kamid tahay inaan la carqaladayn ama aysan Xildhibaanadu dib u celin xisaab xirka misaaniyada 2015-2016.

Dalabka Xildhibaanada ku codsadeen in loo soo gudbiyo xisaab xirka misaaniyada ayaa welwel weyn ku haystey madaxtooyada iyo wasaarada maaliyada kaa soo dad badan u qaateen in uu yahay cadaadis Madaxweyne Gaas lagu saarayo in heshiis ka gaaro waxyaalaha la isku hayo.

Xogta ayaa intaas ku daraysa in kulankaan oo ay goob joog ahaayeen guddi ka socdey Barlamanka iyo gudoonka aqalka wakilada isku-afgarteen in Wasiirrada uu soo magacaabi doono Gaas sidooda lagu ansixiyo iyadoo horay Mudane Gaas walaac uga qabay in lagu celiyo hadii uu kusoo daro wasiirrada shaqada laga eryay qaarkood.

Wararka ayaa intaas ku daraya in Xildhibaanada Puntland iyo Madaxweyne Gaas ku hishiiyeen in la xalliyo arrinta markii hore khilaafku ka dhashay ee keentay in la rido Xukuumadda iyadoo golaha wakiillada loo ballan qaaday lacag aan la baahin cadadkeeda.

Shacabka iyo qaar ka tirsan dadka la socda siyaasada Puntland ayaa horey tuhun uga muujiyey ujeedada golaha wasiirada loo ridey kuwasoo ku tilmaamey iney aheyd daneysi gaar ah balse aysan salka ku hayn la xisaabtan ka dhexeeya hay'adaha dowlada.

GAROWEONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo lagala hadlay ka hortaaga xaalufinta deegaanka

Isku xirnaanta Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimilada iyo Hogaanka Booliska ayaa sidoo kale looga hadlay shirkan.

  • Puntland

    27-03-2024

  • 04:28AM

Qardho: Mashruuc horseeday jarista dhir baaxad leh oo laga digay

Wasaaradda deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda ee Puntland ayaa ku baaqdey in degdeg loo joojiyo jarista dhirtan.

  • Puntland

    26-03-2024

  • 01:41PM