​Puntland: Faah-faahin dooni ka fakatay Bosaso

Image

BOSASO- Waxaa xalay dekedda Bosaso xarunta gobolka Bari ka furatay doon laga leeyahay dalka Iran taasi oo lagu soo qabtay howgal xeebaha Puntland ka sameeyeen ciidamada Baadda ee PMPF 01 December, 2015.

Doonta oo xilli dambe furatay, waxaa ka dhashay rasaas ciidamda goobta ku sugnaa rideen kuwaasi oo laga maqlay magalada Bosaso, waxaana faah faahin ka bixiyay wasiirka Dekedaha, gaadiidka Badda iyo la dagaalanka Burcad-beeda Puntland Cabdullaahi Jaamac Saalax.

Wasiirka, ayaa xusay inay baarayaan sida falkaasi u dhacay isagoo eedeeyay ciidamada Badda Puntland, oo uu sheegay inay rideen rasaasta, wuxuuna xusay inaysan awood u lahayn ka howl galidda dekedda Bosaso.

Saalax, ayaa xusay inaysan wasaaradiisu hayn dukumenti la xiriira eedaha lagu  soo qabtay isagoo sheegay inay xogteeda haysay wasaaradda Kalluumaysiga Puntland, isagoo intaasi raaciyay inaysan shaqo ku lahayn wixii ku saabsan doonta fakatay.

Wasiirka mar wax laga weydiiyay qaabka doontaasi loogu ogolaaday naakhuudayaasha, wuxuu tilmaamay inay tahay khalad dhacay, balse socdaan baaritaano ku aadan sida falkaasi u dhacay isagoo sheegay in ciidamadii goobtaasi ku sugnaa rasaastana riday la weydiin doono.

Doonta baxsatay, ayaa la sheegay inuu iska mas'uul ka yahay nin lagu magacaabo Siciid Guulle oo inta badan soo kiraysta doonyahay Iraaniyiinta ka jariifta xeebaha Puntland, waxaana wararka Garowe Online helayo sheegayaan in naakhuudayaasha labadaasi doonyood muddo dhan Saddex bilood iyo 15 casho lagu hayay magalada Bosaso, waxaana gacanta ugu jireen ciidamda Boliiska kuwaasi markii dambe lahaa amarka doonyaha lagu saaray naakhuudayaasha.

Mudada doonyuhu ku sugnaayeen Bosaso majirto wax maxkamad ah oo la geeyay iyo ganaax lagu soo rogay.

Arrintan, ayaa daba socoto xilli inta badan ciidamada badda Puntland sameeyaan howl gallo lagu soo qab qabto doonyo badan oo ilaa hadda badankood aysan jirin maxkamad la geeyay marka laga reebo tiro yar.

Kalluumaysatada dhibaatadu soo food saartay ayaa dowladda Puntland ka codsada inay wax ka qabato jariifka lagu hayo xeebaha Puntland, xilli arrintaasi Madaxweyne Gaas sanadkii hore ku tilmaamay masiibo qaran.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM

Puntland oo qaadacdey shirka uu iclaamiyay Xasan Sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa 21-ka ilaa 22-ka bishan April u mudeeyay in uu qabsoomo shir madaxeedkan.

  • Puntland

    17-04-2024

  • 06:28AM