​Puntland: Guddiga khilaafaadka oo joojiyay Ergooyin loo yeeray

Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland- Guddiga xallinta khilaafaadka doorashooyinka ee heer Puntland, ayaa maanta soo saaray amar ay ku joojinayaan qoraal shalay kasoo baxay guddiga doorashooyinka dadban ee Puntland, kuwaasoo u yeeray Ergooyinka dooranaya 12 kamid ah Xildhibaanada ka imaanaya qabaa'ilka daga deegaanada Puntland.

Guddigan oo horkacayo Xaaji Abuukar Cusmaan Cabdi islamarkaana xubno ka ahaayeen; Maxamed Faarax Ciise Gaashaan iyo Xaawo Cali Jaamac, ayaa gabi ahaanba ka horyimid in la xareeyo, la diiwaangaliyo, kaararna la siiyo Ergooyinka ilaa dhankooda laga helayo Jawaab.

Xubnaha ayaa joojiyay Ergooyinka matalaya beelaha kala ah;

  1. Warsangali
  2. Dishiishe
  3. Cali Saleebaan
  4. Madhibaan
  5. iyo Ciise Maxamuud.

Sababta loo hakiyay ayay ku sheegeen inay jiraan khilaafaad ka dhex jiray beelahaas oo u baahan in la xalliyo.

"Waxaanu aragnay liiska beelaha aad eergooyinkooda soo xaraynaysaan si ay u doortaan xildhibaanaddii Puntland ugu gariisan lahaa 12kii kursi ee ugu horreeyay kuraasta Aqalka hoose ee barlamaanka Federaalka,” Ayuu yiri Maxamed Faarax Ciise Gaashaan oo warbaahinta u akhriyay go'aan kasoo baxay guddiga khilaafaadka.

Tallaabadan ayaa timid iyadoo shalay Guddiga doorashooyinka heer Puntland, ka dhawaajiyeen inay bilaabeen diiwaangalinta murashaxiinta Aqalka hoose ee kuraasta loo yeeray, waxayna sidoo kale dalbadeen inay is-diiwaangaliyaan Ergooyinka si maalmaha soo socda loo helo 12 Xildhibaan.

Lama oga sida xaalku noqon doono, balse waxay kusoo beegmaysa iyadoo walaac laga qabay inuu dib u dhac kale ku yimaado doorashada Somalia ee la filayo inay qabsoonto dabayaaqada bisha soo socota, waxaana beesha Caalamka qoraal kasoo baxay lagu sheegay inay dhanka maamul goboleedyada ka jiro gaabisku.

GAROWEONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM