​Puntland oo ka hadashay dagaal kale oo ka dhacay Qandala [Dhagayso]

Image

BOSASO, Puntland- Tiro katirsan mallayshiyaadka sheegtay inay xiriir la leeyihiin Daacish, ayaa lagu dilay dagaal soo bilowday galinkii dambe shalay oo soo gaaray maanta abaare 01:00pm.

Taliyaha ciidamada Badda Puntland, Admiral Cabdirasaaq Diiriye Faarax, ayaa VOA u sheegay in howlgalkaas oo ka dhacay halka lagu magacaabo Labiib oo qiyaastii 30KM Koofur uga beegan degmada Qadala, lagu dilay 4 katirsan kooxda Daacish islamarkaana lagu dhaawacay hal ruux oo kale.

Howlgalkaas ma jirto wax dhibaato ah oo kasoo gaaray ciidamada Puntland, marka laga reebo Askari dhaawacmay sida uu taliyuhu sheegay.

Admiralka, ayaa sidoo kale tilmaamay inay gacanta ku dhigeen fariisinkii kooxda ku lahayd nawaaxiga Qandala, isagoo sheegay inay ka furteen Saad ama raashin lagu qiyaasay 4 gaari oo waaweyn kuwaasoo mallayshidan dhulka ku duugtay.

Howlgalkaas oo taliyuhu xusay inuu aad u adkaa, ayaa si wanaagsan kusoo gaba gaboobay.

Cabdirasaaq Diiriye, ayaa sidoo kale xusay in xaaladda degmada Qandala, aad u dagantahay islamarkaana kusoo noqdeen dadkii horay uga qaxay kuwaasoo ay dhibaato soo gaarsiiyeen kooxdan intii ay joogeen oo hal bil kor u dhaafaysay.

Wuxuu sheegay in dowladdu gurmadyo kala duwan ugu talo gashay dadka halkaas ku nool taasoo isugu jirta; biyo iyo cunto.

Dhinaca kale, taliyaha ayaa ka waramay roobab halkaasi ka da'ay, wuxuuna sheegay in ilaa shalay degmada Qandala iyo nawaaxigeeda ka muuqday jawi roobaad, isagoo intaas ku daray inay jiraan roobab mahiigaan ah oo ka curtay gobolka, kuwaasoo u da'ayay qaab xiriir ah.

Dagaalka Qandala, ayaa kusoo aday xilli muddo kooban laga joogo markii ciidamada difaaca Puntland halkaasi ka saareen koox sheegatay inay katirsanyihiin Daacish, kuwaasoo markii dambe aaday dhinaca buuraha.

GAROWEONLINE

Related Articles

Shaqaalaha markab la qafaashay oo laga dejiyay magaalada Boosaaso

Dhacdadan ayaa laga soocay burcad-badeedda Soomaalida ee caanka ku ah gobolkan.

  • Puntland

    19-03-2024

  • 04:50AM

Ciidamadda badda Puntland oo heegan sarre la geliyay

Ciidanka badda Hindiya ayaa saacado kooban gudaheeda kaga dalbaday inay marbaka Mv Abdalleh kaga dagaan Kooxda Soomalida ah ee haysta markabka.

  • Puntland

    18-03-2024

  • 01:50AM