​Puntland oo ka hadashay diidmada Culimada ee tartanka Garowe ka furmay

Image

GAROWE, Puntland- Culimada Somaliyeed, ayaa ka hor timid tartan kubadda Kolayga ah oo gabdho matalaya maamul goboleedyada uga furmay magaalo madaxda Garowe, waxayna ku tilmaameen inay tahay arrin ka hor imaanaysa shareecada Islaamka.

Wadaadada, ayaa sheegay inay qorshahan uu yahay mid aan la aqbali karin islamarkaana lagu fasahaadinayo haweenka iyagoo tallaabadan ku sifeeyay mid ay ka dhalan karto carada EEBBE.

Guddoomiyaha hay'adda Culimada Somaliyeed, Sheekh Bashiir Daahir Salaad, ayaa warbaahinta kula hadlayay magaalada Muqdishu, ayaa sheegay in sharcigu ogolayn in qof dumar ah oo dharkii asturaada iska dhigtay ay ku cayaarto goob fagaaro ah oo rag joogaan.

Dhinaca kale, Culimada Garowe ayaa iyaguna tartankaas ka horyimid, waxayna ku baaqeen in laga waantoobo.

Balse, Guddoomiyaha gobolka Nugaal Cumar Faraweyne ayaa arrintaas si adag galabta uga hadlay, mar uu ka qay galay furitaankii Cayaarahan wuxuuna hadalka culimada kasoo qaaday waxba kama jiraan iyo mid aan loo baahnayn, isagoo culimada ku eedeeyay inaysan ka hadlin falalka xagjiriinta.

"Waxaan aad uga xumahay oo maanta ka dhagaystay Idaacadaha wadaad ka hadlaya Xamar oo ka hadlayay tartanka gabdhaha.. Waxaan leeyahay halkan Puntland baa xukunta, Puntland baana cayaartan dhigtay si amni iyo farxad ah bayna ku dhammaanayaan.. Hadaad ku jirto hotel Jazeera oo aadan meelna uga bixi karin, dalkiina dhibaato kasocoto adeer maad ka hadashid dilka Al Shabaab, Daacish iyo dhibaatada waddanka kasocota intaad ku mashquulayso gabar cayaaraysa,"Ayuu yiri Cumar Faraweyne.

Isagoo sii hadlaya, wuxuu ka digay in tafaaruq la kala galiyo umadda Somaliyeed iyo rajada laga qabo in dib loo midoobo, wuxuuna shacabka ugu baaqay in midnimada laga shaqeeyo.

Arrintan, ayaa timid xilli Culimadu horay ugasoo horjeesatay qoondada dumarka ee Aqallada Barlamanka Somalia iyagoo sheegay inay tahay tallaabo lagu baabi'inayo diinta Islaamka iyo dhaqanka suuban ee umadda Somaaliyeed.

GAROWEONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo lagala hadlay ka hortaaga xaalufinta deegaanka

Isku xirnaanta Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimilada iyo Hogaanka Booliska ayaa sidoo kale looga hadlay shirkan.

  • Puntland

    27-03-2024

  • 04:28AM

Qardho: Mashruuc horseeday jarista dhir baaxad leh oo laga digay

Wasaaradda deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda ee Puntland ayaa ku baaqdey in degdeg loo joojiyo jarista dhirtan.

  • Puntland

    26-03-2024

  • 01:41PM