Puntland oo ku mashquushay iney sharaxaad ka bixiso sidii loo isticmaaley lacagtii abaaraha -Daawo

Image
Image
Image
Image

BOSSASO, Puntland- Kadib markii Garowe Online noqdey warsidihii ugu horeeyey ee shaaciya 22 Feb, 2017 AKHRI  iney jirtey lacag dowlada Federalka Somalia ugu deeqdey abaaraha Puntland in Madaxweyne Gaas uu diidey in lagu wareejiyo guddi cullimo ah oo taakuleynayey abaarahaan ayaa wax kor u kacey sharaxaada dowlada Puntland ka bixineyso sidii lacagtaas loo kharash gareeyey.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo dib ugu soo noqdey magalaada Garowe March 6, 2017 kadib markii shir looga hadlayey abaaraha uga soo qayb. galay magalaada Muqdishu ayaa tan iyo intii warsidaha GO shaaciyey wararkaan markii ugu horeysay ka hadlay qaabka dowlada Puntland u kharash gareysay lacag 150,000USD ee kasoo gaadhey dowlada Federaalka isagoo sheegey in ay ku iibsheen 6 gaari oo booyado ah Halkaan ka dhageyso.

Camey ayaa sheegey in dhowaan saxaafada u soo  bandhigi doonaan gawaridaas booyadaha kuwasoo ka qayb qaadan doona biyo dhaamiska abaaraha.

Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland oo wareysi siiyey dhowaan barnaamijka Deprani Show ayaa qirey in lacagtaas jirto kana soo gaartey dowlada Federaalka Somalia isagoo ka muujiyey saluugmo Halkaan ka daawo

Maalintii shaley March 10, 2017 ayaa magalaada Bossaso xubno ka kooban Wasiirka howlaha guud ee Puntland, Wasiirka arimaha gudaha, Xildhibaan iyo labo ganacsato ah waxay soo bandhigeen Lix baabuur oo muqaal ahaan aan cusbeyn kuwasoo sharaxaad laga bixiyey qiimaha laga soo bixiyey.

Ganacsade saxaafada la hadley kaa soo horey aan uga muuqan gurmadka abaaraha ayaa hadal ku soo bandhigey qiimaha gawaaridaas halka uu sheegey in 7000 dollar madaxweyne ku xigeenka Puntland amrey in lagu baxsho matoor ceelbiyood jabey ee ku yaal halka la yiraahdo Domco Halka 3000 USD loo dhiibey xildhibaan ka tirsan Barlamanka Puntland oo la yiraahdo Libaan. 

Ma jirto wax dukumenti cadeyn ah oo ay wasiirada xukuumada Gaas iyo ganacsadataan muujiyeen intii ay saxaafada kula hadlayeen magalaada Bossaso tasoo ka markhaati kici laheyd qiimaha dhabta ah ee  gawaaridaas joogto. Halkaan ka daawo shirkaan jaraa'id

Waa markii ugu horeysay oo dowlada Puntland xisaab celin noocaan ah u soo bandhigto shacabka Puntland iyadoo tan iyo markii xilka uu qabtey madaxweyne Gaas maamulkiisa lagu eedeeyo musuqmaasuq iyo lunsasho dakhli taasoo sababtey mushahar la'aan saameysay shaqaalaha iyo ciidamada Puntland.

Lama garanayo sababta xukuumada Madaxweyne Gaas u dooratey in lacag 150,000 USD kaliya taasoo dowlada Federaalka Somalia ugu deeqdey taakuleynta abaaraha iney la aado ku iibinta gawaari iyadoo maaliyad intaas ka badan kasoo gasho kaabayaasha dhaqaalaha ee Puntland.

Dakhliga Puntland ayaa  loo jiheyn karaa in lagu dayac tiro matoorada ceelasha jaban iyo iibinta gaadiid iyadoo aan lacagtaan kooban loo weecin iibin gadiid.

HALKAAN KA DHAGEYSO WASIiRKA KALUUMEYSIGA PUNTLAND OO KU FAANAYA DAKHLiGA UU KA SOO XEREEYEY SHATIYADA KALUUMEYSIGA SHARCI DARADA EE KA SOCDA XEEBAHA PUNTLAND 

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM