​Puntland oo wada Qorshe ka dhan ah ururka Takfiir

Image

GAROWE, Puntland- War kasoo baxay shirkii golalaha wasiirrada xukuumadda Puntland ee shalay 14 September, 2017, balse saaka la baahiyay ayaa looga hadlay waxyaabihii kulankaas looga dooday. Xukuumadda Puntland ayaa sheegtay in kulankaas lagu lafo guray arrimo kala duwan oo ay ka mid tahay ururka Takfiir oo dowladdu ugu yeertay mid xagjir ah.

Xukuumadda Puntland ayaa cadaysay in ururkaas uu degmooyin kala duwan uu ka wado dhaq-dhaqaaqyo ka dhan dhaqanka bulshada islamarkaana ay kaxaysanayaan carruurta.

“Gollaha xukuuddu waxay caddeeyeen in ay jiraan degaamo Puntland ka mid ah oo ay ka waddaan ururka Takfiiru dhibaato akhlaaqeed iyo mid bulsho iyagoo hadda bilaabay in ay Ilmaha ka qaataan qoysas Soomaaliyeed, kadibna ay geeyeen goobo aan la garanayen, arrintan ayaa waxay ka mid tahay qorshe cusub oo ay la yimaadeen ururka xafjirka ah ee Takfiirku,” Ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay shirka golaha wasiirrada Puntland.

War-saxaafadeedkii kasoo baxay shirkaas ayaa dowladda ku sheegtay inay waddo qorshe ka dhan ah ururkaas si looga hortago dhibaatada uu ku hayo bulshada.

“Dhacdooyinkaas ka dib waxay gollaha xukuumadda Puntland gacanta ku haysaa qorshe looga hortago dhibaatooyinka Ururada xajirka ah oo dhan gaar ahaan ururka Takfiirka.” Sidaas waxaa lagu sheegay shirka golaha xukuumadda.

Balse dowladdu faah faahin dheeraad ah kama bixin qorsha looga hortagayo falalka ururkaas oo xarumo ku leh magaalooyin ay kamid yihiin Bosaso iyo Qardho. Xarunta gobolka Karkaar ayaa ah saldhigooda ugu weyn, waxaana sannadkan bartamihiisii go’aamo kasoo baxay shirka wasiirrada Puntland lagu mamnuucay ururo uu kamid yahay Takfiirku.

Mar sidoo kale golaha xukuumaddu ka hadlayeen Amniga guud ee Puntland waxay sheegeen inay wadaan qorshe lagu sugayo nabadgalyada guud. Waxaa sidoo kale intaas lagu daray in si gaar ah qorshe dowladdu ugu dajisay xeebaha gobolka Mudug si looga hortago dhibaatada kooxda Al Shabaab.

Golaha fulinta ayaa intaas ku daray in ciidamada ammaanku howlgallo ka wadaan meelaha ay ku suganyihiin kooxda Al Shabaab. Lama sheegin natiijada howlgalkaas.

GAROWEONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM