Puntland oo xabsiga ka sii daysay 4 qof

Image

BOOSAASO, Puntland- Dowladda Puntland ayaa shalay xabsiga magaalada Boosaaso ka siidaysay Afar xubnood oo kamid ah madal isku magacowday Samatabixinta Puntland, taasoo muddooyinkii dambe dhaliilo u jeedinaysay xukuumadda.


Afarta nin ee la siidaayey ayaa kala ah; Daahir Cabdulqaadir Muuse(Daahir Ciiro), Duni Maxammed Guuleeto, Faysal Faarax Cali iyo Cabdiraxmaan Siciid Maxammuud (Dhego-weyne).


Boolisku magaalada Garoowe ayaa jimcihii xabsiga dhigay raggan waxaana markiiba loo gudbiyey xabsiga magaalada Boosaaso,halkaasoo ay ku xirnaayeen muddo 5 cisho ah.


Lama oga sababta loo sii daayay, balse markii hore waxaa lagu xiray inay ku xad gudbeen qawaaniinta dalka islamarkaana xoriyadda hadalka si khaldan u isticmaaleen.


Balse tallaabadan ayaa timid saddex maalin kadib markii golahii ay katirsanaayeen ay furteen urur siyaasadeed ay ugu magac dareen Garsoor.


Mid kamid ah raggaas oo lagu magacaabo Daahir Ciiro ayaa Radio Garoowe u sheegay in sharci darro lagu xiray laguna sii daayay.


Dowladdu kama hadlin sii daynta shakhsiyaadkan oo qaybtood mucaarad isu badalay markii xilalkii ay dowladda ka hayeen laga qaaday.


Bishii hore amar ay soo saartay Wasaaradda Amniga Puntland ayaa lagu mamnuucay shirarka siyaasadeed ee lagu dhaliiyayo dowladda,waxaana digniin loogu diray ganacsatada huteellada iyo meheradaha shirarka lagu qabsado.


“Iyadoo maalmahan la qabanaayey shirar qarsoodi ah oo lid ku ah xasiloonida iyo nabadgelyada shacabka Puntland, waxaa la farayaa dhammaan laamaha ay warqaddani sida tooska ah ugu socoto in aan la qaban karin wax shir siyaasadeed ah oo lagu khalkhal gelinaayo amniga iyo xasilinta Puntland." ayaa lagu yiri qoraal wasaaradda kasoo baxay goor sii horaysay.

Puntland ayay caado katahay in sannadka u dambeeyay la cabaareeyo xukuumadda talada haysa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM