Puntland: Shirkadda Isxilqaan oo ku guuleysatey qandaraaska waddo isku xirta Labo Tuulo

Image
Image
Image

GAROWE- Magaalo madaxda Puntland Garowe ayaa waxaa lagu saxiixey maalintii shaley April 1,2017 heshiis lagu gudoonsiinayey shirkada la yiraahdo Isxilqaan qandaraaska lagu dhisayo mashruuc dowlada Jarmalka ku dayactireyso qaybo kmaid ah waddda isku xirta magaalooyinka Garowe iyo Galkacayo.

Shirkada Isxilqaan oo laga leeyahay magalaada Galakacayo gobolka Mudug ayaa heshiiskaan kaga guuleystey shirkado kale kadib markii uu dhexmarey tartan lugaha la galey musuqmaasuq sababey in mashruucaas dib u dhac ku yimaado madaama wadamada EU shaki ka muujiyeen.

Mashruucaan lagu dayactirayo wadadaan oo iminka ku kooban 80 km jid ah ee u dhexeeya tuulooyinka Jalam iyo Xarfo ayaa qayb ka ah mashruuc balaaran ee wadamada EU ugu deeqeen dalka Somalia kasoo dib loogu dhisayo kaabayaasha dhaqaalaha Somalia.

Inta uu socdey tartanka qandaraskaan ayaa Madaxweynaha dowlada Puntland waxaa uu shaqada ka eryey agaasimahii ha'ada NESHA kaasoo ku lug yeeshey musuqmaasuqa ragaadiyey nidaamka qandaraas bixinta Puntland.

Maxamuud Cabdinuur Aadan agaasimahii hore ee Hay'ada ayaa qandaraaska mashruucaan la rabey shirkado uu heshiis kula jirey  halka xukuumada Puntland gaar ahaan xafiiska Madaxweynaha Puntland dabada ka riixayey shirkad kale.

Hay'ada PHA oo horey loo oran jirey NESHA ayaa ka leexatey shuruucdeedii la qorey markii dhidabada loo taagey maamulka Puntland kuwasoo ahaa in lacagaha cashuurta ah ee looga jaro dakhliga dekada (Levy) ku dayactirto wadooyinka isku xira magaalooyinka waaweyn ee Puntland sida waddada weyn  Bossaso- Galkacayo balse iminka kamid noqotey shirkadaha dhismaha ee sida gaarka loo leeyahay iyadoo u tartanta ama qayb ka noqota qandarasyada hay'adaha caalmaiga siiyaaan Puntland kuwasoo dhisa wadooyinka laga hirgaliyo magaalooyinka dhexdooda.

Dhinaca kale warsidaha Garowe Online ayaa fahansan in dakhliga Hay'ada PHA uusan xiligaan toos ugu dhicin xisaabta ay ku leedahay xarunta bangiga dhexe ee Puntland kaasoo ragaadiyey howlihii Hay'adaanu ku dayactiri jirtey wadooyinkaas.

NESHA ayaa waxay ka kooban tahay qaab dhismedkeeda Agaasime guud, ku xigeen, agaasim maamul, aqoonhayno dhismaha wadooyinka iyo Guddi ( Board) kuwasoo dusha ka eega howlaha Hay'ada waxayna ka madax banaaneyd wasaarada howlaha guud ee Puntland.

Hay'ada ayaa waxaa sharuucdeedii ku jirey ineysan yeelan karin qalabka dhismaha balse shaqooyinka ay qabaneyso ku bixisa qandaraas iyadoo shaqo abuur uga dhigeysa shacabka Puntland ee leh shirkada dhismaha.

PHA ayaa iminka soo iibsatey qalabka dhismaha iyadoo agaasinkeeda iyo wasaarda howlaha guud waqtigaan ku shirkoobeen raadinta mashaariicda dhismaha kuwasoo dhinaca kale shirkado ay gacansaar la leeyihiin siiya qandaraasyada ay bixinayaan hay'adaha caalmaiga ah.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Shacabka Garowe oo loogu baaqay ilaalinta kanaalada biyuhu maraan

Howlgalka xalay ayaa laga sameeyay waddada laamiga ah ee Globol iyo waddada Sagal.

  • Puntland

    16-04-2024

  • 05:26AM

Puntland oo kalitalisnimo ku eedeysay madaxda federaalka

Madaxweyne Ku-Xigeenka dowladda Puntland ayaa si kulul uga hadlay hanaanka dowladnimo ee Soomaaliya,

  • Puntland

    15-04-2024

  • 11:33AM