​Puntland: Tahliil oo horay u sii daayay Madaxweyne Gaas oo la qabtay [Warbixin]

Image
Image
Image
Image
Image
Image

GALKACYO, Puntland- Madaxii howlgallada kooxda Al Shabaab ayaa mar kale lagu qabtay magaalada Galkacyo xarunta gobolka Mudug, kadib howlgal ay sameeyeen ciidamada ammaanka Puntland ee loo yaqaano PSF-ta oo ay iskaashanayaaan ciidamada NISA ee dowladda Federaalka Somalia balse fadhigooda yahay dhinaca Galmudug.

Howlgalka ayaa lagusoo qabtay hor joogaha lagu magacaabo Cabdirisaaq Xuseen Tahliil oo loo yaqaanay (Ina Calool Geel) iyo afar kale oo kamid ah ururka Al Shabaab, kasoo horay loogu eedeeyay inuu ka dambeeyay weeraro iyo qaraxyo ka dhacay deegaanada Puntland.

Ninkan waxaa horay u qabtay ciidamada amniga Puntland waqtigii uu xafiiska joogay Cabdiraxmaan Farole isagoo lagu lagu xukumay dil toogasho ah, kadib markii lagu qabtay Qaraxyo.

Tahliil waqtigii lagu qabtay Galkacyo

November 18, 2012 ayaa la qabtay Tahliin oo dadka qaybtiis u yaqaanaan Ilkacase iyo nin kale oo lagu magaciisu ahaa Maxamuud Nuux Adam (Abu-Xafsa) oo ahaa madaxa amniyaadka ee dilalka iyo Qaraxyada kooxdaas islamarkaana soo noqday Madaxii ilaalada hogaamiyihii la dilay ee Al Shabaab Axmed Cabdi Godane.Abuu Xafse oo lala qabtay Tahliil

Labadaas nin ayaa waqtigii ay qabatay xukuumaddii hore ee Puntland, waxay waxyaabaha qarxa loo adeegsado sida; jaakadaha qaraxa loo isticmaalo, bombada F1 oo gacanta laga tuuro, baaruuda qaraxa samaysa sida TNT, daasado lagu sameeyo qaraxa dhamaystiran,Telefoonada gacanta iyo aalada remote Control, saacado iyo Bettery.

Maxkamadda Darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida Puntland, ayaa 02 March, 2013  Caloolgeel iyo Abuu Xafsa ku xukuntay dil toogasho, waxaase xukunkaasi ka soo horjeestay Odayaasha Dhaqanka ee Magaalada Gaalkacyo.  Maamulkii Cabdiraxmaan Farole oo lagu cadaadiyay in uu soo sii daayo Caloolgeel, ayaa dhegaha ka fueystay.

Madaxweyne Gaas oo Maamulka Puntland la wareeegay bishii January ee sanadkii 2014-ka, ayaa in lasii daayo Caloolgeel, ka dib laba sano oo dil sugge uu ugu xirnaa xabsiga Garowe, waxaana arrintaas dabada ka riixayay mid kamid ah Xubnaha Barlamanka Puntland oo lagu magacaabo Maxamud Dheere, kadib markii mallayshiyaad kasoo jeeda dhinaca Galmudug gacanta ku dhigeen xubno shacab ah oo ay sii dayntooda ku xireen Tahliil.

Sii daynta Tahliil iyo Abuu Xafsa, ayaa la dhaafsaday maxaabiis lagu haystay deegaanada Galmudug, waxaana arrintaas walaac kamuujiyay dadka la socda arrimaha amniga Puntland, maadama Tahliil uu khatar ku hayay amniga shacabka.

Madaxweyne Gaas ayaa dhagaha ka furaystay talooyin loo soo jeediyay oo ku aadan inuusan sii dayn ninkan ku xukuman dilka iyagoo ka digay khatarta ka dhalan karta hadii dib loo siiyo xorriyadiisa.

Majirto ilaa hadda wax war ah oo kasoo baxay maamulka Puntland taasoo ku aadan qabashada Tahliil iyo qaabka xukuumaddu ka yeeli doonto, maadama horay loo jabiyay xukunkii lagu riday.

Tahliil oo gacanta Puntland ka baxay 18 December, 2015 ayaa hadda kooxdaas ka hayay labo Jago oo kala ah; Madaxa Amniyaadka gobolka Mudug iyo sidoo kale Madaxa dhaqaalaha.

Ina Caloolgeel oo mar ganacsi ku haystay Magaalada Gaalkacyo, ayaa lagu eedeeyaa inuu mas’uul ka yahay qaraxyo iyo dilal qorsheysan oo ka dhacay Waqooyiga Gaalkacyo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo lagala hadlay ka hortaaga xaalufinta deegaanka

Isku xirnaanta Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimilada iyo Hogaanka Booliska ayaa sidoo kale looga hadlay shirkan.

  • Puntland

    27-03-2024

  • 04:28AM

Qardho: Mashruuc horseeday jarista dhir baaxad leh oo laga digay

Wasaaradda deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda ee Puntland ayaa ku baaqdey in degdeg loo joojiyo jarista dhirtan.

  • Puntland

    26-03-2024

  • 01:41PM