​Puntland: Wafdi golayaasha dowladda katirsan oo dhoofay

Image

BOSASO, Puntland- Wafdi isugu jira Wasiirro iyo Xildhibaano katirsan dowladda Puntland, ayaa maanta ka dhoofay magaalada Bosaso xarunta gobolka Bari xilli Madaxweyne Gaas muddooyinkii dambe socdaal ku maqnaa.

Safarkan oo aan horay loo sii shaacin ayaa xubnahan ugu amba-baxeen magaalada Muqdishu caasumadda Somalia.

Waxaa horkacaya Guddoomiyaha Barlamanka Puntland, Axmed Cali Xaashi oo tan iyo markii la doortay saddex jeer u dhoofay Muqdishu isagoo mar kamid ah la safray Madaxweyne Gaas waqtigii lagu jiray ololaha doorashada Madaxweynaha Somalia.

Wararka warsidaha GO helayo ayaa sheegaya in xubnahan ka qayb gali doonaan Caleemo-saarka Madaxweynaha Somalia ee lagu wado inay qabsoonto 22 bishan oo ku beegan maalinta Barri ah.

Madaxweynaha Puntland ayaa isna ka qayb galaya caleemo saarkaas iyadoo sidoo kale joogaan Madaxda maamul goboleedyada Somalia.

Lama oga Madaxda kale ee maamul goboleedyadu inay weheliyaan mas'uuliyiin tiro badan oo katirsan golayaasha kala duwan sida Puntland.

Ilaa hadda ma jirto wax war ah oo kasoo baxay xukuumadda Madaxweyne Gaas oo ku aadan safarkan iyo bixitaanka wafdigan.

Waxaa lagusoo beegay xilli xaalad adag ay ka jirto deegaanada Puntland oo ay ugu darantahay abaarta baahsan ee dadka iyo duunyada saamaysay.

Xukuumaddan talada maamulkan qabatay 2014 ayaa aad loogu  dhaliilaa inaysan wax ka qaban xaaladaha adag ee lagu jiro, balse taas badalkeeda ay muhiimadda kowaad siiso safarrada dibadda iyo gudaha.

Madaxweyne Cabdiwali Maxamed Cali ayaa sannadkii hore Puntland safar uga maqnaa in kabadan Lix bilood.

GAROWEONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM