​Puntland: Xarun lagu baarayo Dambiyada la xariira Jinsiga oo xarigga laga jaray [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland- Mas’uuliyiinta ka socota xukuumadda Puntland, Garsoorka iyo hay’adda UNFPA, ayaa galabta xarrigga ka jaray xarun cusub oo loogu talo galay in lagu baaro kiisaska la xariira Jinsiga.

Furitaanka xaruntan waxaa iska kaashay dowladda Sweden oo ku deeqday qalabka wax lagu baarayo iyo Sanduuqa Qaramada Midoobey ee Dadweynaha [UNFPA], waxaana loogu talo galay in wax looga qabto tacadiyada ka dhex dhaca bulshada ku nool Puntland ee u baahan in baaritaan cilmiyaysan lagu xaqiijiyo.

Munasaabadda lagu furayay xarunta oo lagu magacaabo (Puntland Forensic Centre), waxaa kasoo galay mas’uuliyiinta hay’adaha dowladda ee ay wada shaqayntu dhexmari doonto kuwaasoo kala ah, Caddaaladda, Caafimaad, Amniga iyo Garsoorka.

Nikolai Botev oo ah wakiilka UNFPA ee Somalia, ayaa xafladda daah furka ka sheegay in barnaamiijkan uu soo kordhin doono faa’iido weyn taasoo ah in qofka dambiilaha ah loo helo caddayn, halka kii tacadiga lagu sameeyay uu helayo caddaalad.

Barni Nuur oo kasocotay Safaaradda Sweden ee Somalia, ayaa tiri, “Waa wax lagu farxo in maanta la arko hormarka kasocda waddanka Somalia.” Waxay intaas ku dartay in maanta laga hadlayo Kufsi kaasina uu yahay Dambi iyo mid foolxumo ku ah dhaqanka Somalida, iyadoo ku baaqday in laga wada shaqeeyo sidii loo cirib tiri lahaa caadadaas.

Xeer ilaaliyaha Guud ee Puntland Maxamud Xasan aw-Cusmaan ayaa sheegay in xaruntan uu ka caawin doono Puntland xogaha la xariira kufsiga ka dhaca Puntland, isagoo tilmaamay in hadda kadib warbixinada la qaadan doono laga xiganayo shaybaarkaas.

Maxamud ayaa sheegay in muddooyinka ay kordhaysay warbixino khaldan oo laga qorayay arrimaha kufsiga kaasoo ay baahiyeen NGO-yada ay ku sugan dalka, wuxuuna tilmaamay in hadda kadib sharciga lala tiigsan doono cidii baahisa xog aysan ka qaadan cidda ehelka u ah.

Wasiirrrada Caafimaadka, Amniga, Cadaaladda iyo Haweenka ayaa tilmaamay in Shaybaarkan uu sahlayo in caddayn buuxda loo helo dambiilaha islamarkaana laga kaaftoomo baahi loo raadsan lahaa waddanka dibadiisa.

Xaruntan ayaa noqonaysa tii ugu horaysay ee laga hirgaliyo waddanka Somalia, waxayna kusoo aaday xilli dhawaan Puntland ay hirgalisay sharciga Kufsiga.

GAROWEONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo lagala hadlay ka hortaaga xaalufinta deegaanka

Isku xirnaanta Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimilada iyo Hogaanka Booliska ayaa sidoo kale looga hadlay shirkan.

  • Puntland

    27-03-2024

  • 04:28AM

Qardho: Mashruuc horseeday jarista dhir baaxad leh oo laga digay

Wasaaradda deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda ee Puntland ayaa ku baaqdey in degdeg loo joojiyo jarista dhirtan.

  • Puntland

    26-03-2024

  • 01:41PM