​Puntland: Xilalka golaha xukuumadda oo la raadinayo

Image

GAROWE, Puntland- Siyaasiyiin kala duwan oo dalka iyo dibada ku sugan ayaa dadaal ugu jira inay kasoo dhex muuqdaan liiska golaha wasiirrada Puntland ee la filayo in Madaxweyne Gaas ku dhawaaqo mudada ka harsan 21 cisho ee Dastuurku siinayo.

Arrintan oo aad looga dareemayo deegaanada Puntland, ayaa timid markii Talaadadii hore golaha Barlamanka Puntland kala direen golahii xukuumadda dhammaantood.

Waxaa dib loo xasuusto waqtiyadii doorashada iyadoo horay loo bartay in marka madax cusub la doorto siyaasiyiintu u ordaan raadinta jagooyinka golaha xukuumadda.

Waxaa aad loo hadal hayaa qaabka Madaxweyne Gaas wax u soo magacaabi doono iyadoo su’aal la galinayo in liiska lagusoo dari doono qaar kamid ah xukuumaddii hore iyo inay noqdaan wajiyo cusub.

Wasiirradii hore qaybtood ayaa aad ugu dhawaa Madaxweynaha halka qaybtood booska ku joogeen culayso Qabiil iyo arrimo loo arkayay maslaxad.

Madaxtooyada Puntland ayaa noqotay goob aad u mashquul badan maalmahan iyadoo Madaxweyne Gaas ku howllanyahay inuu bulshada usoo bandhigo shakhsiyaadka badali doono Xubnihii hore.

Dhinaca kale Barlamanka Puntland iyo Madaxweynaha ayaa xiriirkoodu xunyahay, maadama riditaanka xukuumadda uu salka ku hayay is-fahamwaa dhexmaray labada dhinac.

Dadka la socda arrimaha siyaasadda Puntland ayaa dood galinaya in Xildhibaanadu aqbali doonaan xukuumadda cusub iyo in kale, maadama wali la rumaysanayahay inaan xal laga gaarin khilaafkii loo riday xukuumadda cusub.

Arrintan ayaa saamayn ku yeelan doonta dhaqaalaha Puntland, maadama wasiirrada imaan doona iyo marxaladda kala wareegaha uu ku lumi doono kharash badan, taasoo la sheegay inaysan soo noqon doonin mudada u dhiman Madaxweyne Gaas.

Waxaa sidoo kale oo la sheegayaa in wax-qabadka laga filan karo xukuumadda cusub uu aad u yaraan doono maadama waqti qaadan doonto in wasiirradu la qabsadaan shaqada iyo bulshada intaba.

Tallaabadan ayaa kusoo aadaysa xilli xaaladda Puntland ee dhinacyada amniga iyo dhaqaalaha ay aad u hoosayso.

Dad badan oo siyaasadda taxliiliya ayaa go’aanka Barlamanka Puntland u arka mid daaha ka qaadaya fashilka siyaasadeed ee waddanku cagta saarey, taasoo dhabar jab ku noqonaysa bulshada la daalaa dhacaysa, Sicir bararka iyo Dhaqaale xumada baahsan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM

Puntland oo qaadacdey shirka uu iclaamiyay Xasan Sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa 21-ka ilaa 22-ka bishan April u mudeeyay in uu qabsoomo shir madaxeedkan.

  • Puntland

    17-04-2024

  • 06:28AM