Warbixin: Lacagaha dollarka ah oo gabaabsi ku noqdey suuqyada Puntland kadib hoos dhaqaale

Image

GAROWE, Puntland-  Degaanada Puntland oo waqtigaan ka jiraan abaaro ba'an ayaa waxaa bilihii ugu dambeeyey waxaa ka jirey dhibaato xoogan oo dhaqaale kuwasoo saameyn balaaran ku yeeshey nolasha dadka Danyarta ah.

Baaritaan warsidaha Garowe Online ku sameeyey sababaha keneey kor u kaca ku yimid sarifka dollar ayaa waxaan ku ogaaney iney ugu waa weyn yihiin kadib markii hoos dhac balaaran ku yimid guud ahaan ganacsiga Puntland halka dhinaca kale saameyn badan ay ku yeelatey daabacaada lacagaha Shillin Somaliga ah. Xukuumada Madaxweyne Gaas ayaa daabacadey lacago Shillin Somali ah kadib markii ay bixin kari waydey mushaharaadkii ciidamada iyo shaqaalaha dowlada. 

Hadaan si kooban uga hadalno hoos u dhaca dhaqaale ee soo foodsaarey  Puntland ayaa  waxaa sababey arimo badan ay kamid yihiin;  hoos u dhac ku yimid dhoofinta xoolaha nool kasoo inta badan lacagta dollarka ah ee soo gala Puntland saameyn balaaran ku yeeshey; Xayiraada gadiidka isaga goosha gobolada dhexe ee Somalia iyo Puntland; abaaraha ka jira degaanada Puntland kuwasoo saameyn ku yeeshay nolosha xoolaha la dhoofiyo;  ganacsato farabadan oo badeecado kala soo Dagi jirtey dekada Bosaso oo ka wareegtey kadib markii xukuumada Madaxweyne Gaas xalin kari waydey xanibaada gadiidka lagu soo rogey kuwasoo isaga gooshi jirey Puntland iyo gobolada kale ee Somalia; iyo hoos u dhac ku yimid tirada mashaariicda hay'adaha caalmaiga ka qaban jireen Puntland tan iyo intii xukuumada Madaxweyne Gaas talada la wareegtey kuwasoo Puntland soo galin jirey lacagta dollarka.

Suuqyada Puntland ayaa xogaha laga helayo sheegayaan in 100 kii  dollar Mareykanka gacanta hore lagu kala sarifanayo 2400,0000 Shillin Somaliga ah halka gacanta labaad la kala siisanay 100 kii dollar 2800,0000 Shillin Somali ah.

Wararka ayaa sheegaya in dowlada Puntland oo daabacada Shillin Somali sharci daro ah ay suuqa sarifka kaga iibsata 100USD 2400,000 Shillin Somali ah halka sariflayaashu ku sii  iibiyaan gacanta labaad 100 USD 2800,000 Sh.So.

Warsidaha Garowe Online ayaa ogaadey in Mushaharka askariga Puntland oo lagu siiyo Shillin Somali sarifkiiga suuqa ka joogi jirey labo sano ka hor 100 dollar halka maanta ka joogo sarifka suuqyada Puntland 82 dollar.

Dhinaca kale waxaa maalmihii ugu dambeeyey magaalada Bosaso ka jirey diidmo ku saabsan cashuur kordhin xukuumada Madaxweyne Gaas ku sameysay cashuuraha barriga kuwasoo laga qaaado ganacsatada meheradaha ku leh suuqyada xarunta ganacsi ee Puntland.

Wararka ayaa sheegaya in ganacsatada ka hortimid korirsiimadaas  iyagoo sheegey in ganacsigoodu uusan qaadi karin kordhin caahuureed madama guud ahaan hoos u dhac Dhaqaale ku yimid Puntland.

 Dadka la socda arimaha dhaqaalaha Puntland ayaa sheegaya in sarifka dollarka saameyn balaaran ku leeyahay waqtigaan adag shacabka danyarta ah ee Puntland  iyadoo la odorasayo in bilaha soo socda uu gaari doono100 USD in lagu Sarifo 3000,000 Sh.So.

Dowlada Madaxweyne Cabdiweli Maxamad Cali Gaas oo daabacda Shillin Somali ayaa waxaa qayb weyn ka tahay kororka Sarifle lacagta dollarka taasoo dhamaan hay'adihii kala xisaabtami lahaa qayb ka yihiin barnaamijka lagu daabacayo lacagahaan.

Barlamanka Puntland oo kamid ah hay'daha sharci dajinta ayaa xukumada Madaxweyne Gaas waxaa ay u sameysay mushahar kordhin laga sameeyey lacagaha Shillin Somaliga ah ee lagu daabaco magaalada Bosaso.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Booliska Puntland oo lagala hadlay ka hortaaga xaalufinta deegaanka

Isku xirnaanta Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimilada iyo Hogaanka Booliska ayaa sidoo kale looga hadlay shirkan.

  • Puntland

    27-03-2024

  • 04:28AM

Qardho: Mashruuc horseeday jarista dhir baaxad leh oo laga digay

Wasaaradda deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda ee Puntland ayaa ku baaqdey in degdeg loo joojiyo jarista dhirtan.

  • Puntland

    26-03-2024

  • 01:41PM