Warsidaha GAROWEONLINE oo shakhsiga sannadkii 2016 u aqoonsadey Tigay

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

Sannad walba oo soo mara nolosha aadanaha, wuxuu wataa saamayntiisa, isagoo si gaar ah u taabta qofka ama mujtamaca kuwada nool, hal Qaarad, Waddan, Gobolka ama Magaalo, taasoo noqota arrin caan-baxday oo aad loo hadal hayo sannadkaas marka uu dhammaado. 

Somalia oo muddo ku jirtay bur-bur iyo colaado sokeeye ayaa sannadihii ugu dambeeyay samaynaysay hormarro laxaad leh, waxaana jiray shakhsiyaad isu taagay sidii loo soo celin lahaa rajadii luntay iyo masaxiddii afkaartii laga amminsanaa waxyaabaha qaar. 

Haddii aan hoga tusaaleeyo, magaca Somalia marka lasoo hadal qaado qofkastoo Ajnabi ama Dhalad ahba waxaa maankiisa kusoo dhaca inay tahay dhul shiddo iyo colaad 24-saacba ka jirto, waloow taasi aysan xaqiiq wada ahayn balse waxaa ugu wacan mar walba sawirka laga bixiyo sida uu yahay. 

Waxaa jira shakhsiyaad isu taagay sidii Muuqaalkaas loo badali lahaa oo Internetka ama baraha bulshadu ku kulanto loo gaarsiin lahaa quruxda iyo amniga ka jirta meelaha qaar dalka Somalia . 

Haddaba Warsidaha Garowe Online, ayaa sannad walba marka uu dhammaado shaaciya shakhsiga ugu saamaynta bad-naa gayiga Somalida, wuxuuna doorkan uu u aqoonsaday Mudane Tigay. 

Maxamed Yuusuf Jaamac oo loo garan ogyahay "Tigay", wuxuu soo noqday Guddoomiyaha gobolka Mudug mudadii u dhaxaysay 2011 iyo 2015, waqtigaas oo uu la shaqeeyay labo xukuumadood oo kala dambeeyay, wuxuuna inta uu xilalkaas hayey ahaa ruux aan isku koobin howl maalmeedkiisa dowladnimo, balse ka shaqeyn jiray inuu ka qayb qaato barnaamijka hormarinta dalka, sida dhisidda waddooyinka iyo soo bandhigista khayraadka dahsoon ee gobolkaas leeyahay. 

Horraantii 2015 oo uu mudane Tigay banneeyay xafiiska, wuxuu isu xilqaamay sidii uu noqon lahaa ruux ka shaqeeya soo bandhigista bilicda dalka iyo u qareemidda shakhsiyaadka taagta daran ee u baahan Kaalmo bini-aadanimo gaar ahaan kuwa xanuunsan. 

Tigay, wuxuu noqday dhiirigaliye dhalinta soo koraysa isagoo bartiisa Xiriirka Bulshada "Facebook" Had iyo jeer kusoo daabaca waxyaabo ka hadlaya xaqiiqada waddanka ka jirta, isagoo soo raaciya Muuqaalo ama sawirro da'yarta ku xambaaraya inay dalkooda joogaan xilli inta badan badda ku dhintaan kuwasoo ku wajahan wadamada reer Galbeedka. 

Wuxuu sameeyay Shirkad dalxiis oo lagu Magacaabo MAGOOL oo xarumo ku leh Garowe iyo Degmada Eyl ee gobolka Nugaal, taasoo dhowr jeer dalxiis gaysay dad isugu jira Qurba joog iyo Dal joog. 

Mudane Tigay, waxaan sannadkii tagay 2016 aad loogu xasuustaa doorkii uu ka qaatay gurmadka abaaraha ka jira dalka gaar ahaan Puntland, wuxuuna lacag ururin ka sameeyay markii ugu horaysay warbaahinta Radio Garowe taasoo horseeday in 201 booyadood oo biyo ah la gaarsiiyo dad ku kala sugnaa gobollada Puntland.

Wuxuu sidoo kale lacag arurin u sameeyay dad danyar ah oo qaybtood guryo loo dhisay, sida Maamada Asli Carab Maxamed oo kamid ahayd dadkii ka barakacay abaaro ka jiray degmada Towfiiq ee gobolka Mudug, waxaana uu sabab u noqday in loo dhiso 2 qol oo dhammaystiran. 

Wuxuu sidoo kale hadda dhismihiisu socdaa guri maamoo kale looga dhisayo magaalada Laascaano ee gobolka Sool, kaasoo hadda maraya meel gabo-gabo ah. 

Tigay, ayaa sidoo kale dhaqaalo arurin u wada Wiil Agoon ah muddo 20 sano naafo ku ahaa degmada  Boocame gobolka Sool, waxaana muuqaalo uu kasoo duubay laga baahiyay TV-yada ku hadla afka Somaliga. 

Wax-qabadkii Mudane Tigay ee Sannadkii 2016:- 

1-Soo bandhigista Bilicda iyo barwaaqada waddanka Somalia, taasoo ay shahaado sharaf kusiisay Jaamacadda PSU

2-Dhiirigalinta beeralayda iyo waxsoo saarka, taasoo ay shahaado sharaf kusiisay Wasaaradda iyo Ururka Beeralayda Puntland 

3-Dhiirigalinta Kalluumaysatada, la dagaallanka Kalluumaysiga sharci darrada ah iyo difaacidda badda isagoo adeegsanaya fariimo muuqaal ah oo baraha internetka ku  baahiyo 

4-U qareemidda danyarta Somaliyeed, sida Iidsiinta Agoomaha ee Ciida, u qareemidda Ciidamada iyo Agoomaha oo dibadda iyo gudahaba lacag ugasoo aruuriyay 

5-Noolaynta dhaqanka Somaliyeed iyo ilaalinta Af-ka hooyo

6-Dhiirigalinta, isku xirka dhalinyarada isagoo had iyo jeer ku baraarujiya inay bulshada u adeegaan 

7-Ilaalinta deegaanka iyo ka hortagga xaalufka isagoo bulshada ku baraarujiyay inay dhulkooda ilaashadaan, waxaana wasaaradda deegaanka Puntland u aqoonsatay inuu noqdo safiirka u xil-saaran arrintaas 

8-Dhiirigalinta dalxiiska, Tigay wuxuu sameeyay shirkad dalxiis gaysa dadka aan aqoon dhulkooda

9-Wuxuu dhiirigaliyaa isku tashiga iyo dib u dhiska dalka, isagoo ka qayb qaatay dhismaha waddooyinka Eyl, Wadaagsin iyo Lafo goroyo, Wuxuu sameeyay hal ku dhigyo ay kamid ahaayeen; Wan Bixi aan Wadada dhisnee Adna dhoobada anna dhagaxa ninkii dhuuntaa dhaxal kuma laha, Baro dalkaaga Ku dalxiis dalkaaga la dalxiis dadkaaga, Dal waxaa dhisa dadkiisa 

10- Gurmadka Abaaraha ka jira dalka, Mudane Tigay ayaa isu xilqaamay sidii tabarucaad loo gaarsiin lahaa dadku ku dhibaataysan Miyiga ee aan haysan biyo iyo baad intaba, isagoo lacag arurin ka sameeyay warbaahinta. 

Dhammaan maamulka, Tifaftirayaasha iyo shaqaalaha Garowe Online, waxay hambalyo u dirayaan Mudane Tigay iyagoo u rajaynaya inuu halkaas kasii wado howlaha qaran ee bulshada u hayo. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo qaadacdey shirka uu iclaamiyay Xasan Sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa 21-ka ilaa 22-ka bishan April u mudeeyay in uu qabsoomo shir madaxeedkan.

  • Puntland

    17-04-2024

  • 06:28AM

Shacabka Garowe oo loogu baaqay ilaalinta kanaalada biyuhu maraan

Howlgalka xalay ayaa laga sameeyay waddada laamiga ah ee Globol iyo waddada Sagal.

  • Puntland

    16-04-2024

  • 05:26AM