​Wasiirka haweenka Puntland oo shir Caalami ah ka qayb gashay

Image

AMMAN, Jordan- Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Dowladda Puntland, Anisa Cabdulqaadir Haji Mumin, ayaa ka qayb gashay shir caalami ah oo ka dhacay magaalada  Amman ee dalka Jordan.

Wasiirka ayaa ka qaybgalaysa kulan caalami ah oo looga hadlayo sidii loo horumarin lahaa haweenka gaar ahaan; suggida xaquuqdooda, in si gaara loogu xisaabtamo baahiyahooda maadaama badankooda ay noqdeen haween reerka dhaqaalahooda gacanta ku haya.

Shirkan ayaa ah mid lagu eegayo maxaa u qabsoomay wadamada dagaallada sokeeye ka dhaceen, siday dowladdaha wadamadaa ka jira ay u kabteen, siyaabaha kala duwan ay u hormariyeen waxna uga qabteen baahiyaha dadkooda.

Dalalka sida gaarka ah diiradda loo saaray ayaa kala ah; Somaaliya, Iraq, Afghanistan, South Sudan, Timor-Leste oo Koonfurta Aasiya ku taala.

Wasiir Anisa oo kulankaas hadal ka jeedisay ayaa si gaar ah uga hadashay in loo baahan yahay dhaqaale lagu difaaco dhibanayaasha, lagu kaalmeeyo danyarta, loona baro say isugu filaan lahaayeen iyo inay macquul tahay in ummadi ka kabsato burburka keena dagaalo sokeeye.

Anisa Haji Mumin, ayaa cadaysay in Puntland tusaale u tahay horumarka lagu talaabsaday, waxayna hayadaha caalamiga kula talisay in wakhti iyo dhaqaale dheeraada la galiyo sugidda nabadgelyada iyo difaaca haweenka si loo yareeyo tacadiga, loo kobciyo tacliinta, iyo kaabidda awoodooda dhaqaale.

Shirkan, waxaa kasoo qeyb galay xubno ka kala socday New York, South Sudan, Sierra Leone, Somalia, Palestine, Afghanistan, Italy iyo Syria.

Kulankan ayaa imaanaya xilli dalka Somalia kasoo kabanayo dagaallo muddo ku dhow soddon sano taagnaa iyago dhaqaalo xumo kalifay in dumarku noqdaa tiirka kaliya ee qoysas badan ku taaganyihiin.

GAROWENLINE

Related Articles

Puntland oo qaadacdey shirka uu iclaamiyay Xasan Sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa 21-ka ilaa 22-ka bishan April u mudeeyay in uu qabsoomo shir madaxeedkan.

  • Puntland

    17-04-2024

  • 06:28AM

Shacabka Garowe oo loogu baaqay ilaalinta kanaalada biyuhu maraan

Howlgalka xalay ayaa laga sameeyay waddada laamiga ah ee Globol iyo waddada Sagal.

  • Puntland

    16-04-2024

  • 05:26AM