Wasiirka howlaha guud ee Puntland oo qayb ka ah dagaalka Galkacayo

Image

GAROWE, Puntland- Kadib markii asbuucii hore dagaal ka bilowdey dhisme lagu sheegey inuu noqonayo suuq lagu kala iibsado xoolaha nool kaasoo laga bilaabey dhismahiisa xaafada Garsoor goob ku dhow xuduudka  kala barta magaalada Galkacayo qaybteeda Koonfureed iyo Woqooyi ayaa waxaa halkaas ka qarxey dagaal sababey in dadkii xaafadaas.

Wasiirka howlaha guud ee Puntland oo kamid ahaa xubnihii dabada ka riixayey in gadiidka ka yimaada Koknfurta Somalia badecada ay sidaan ku dajiyaan magaalada Galkacayo ayaa hurmuud u ah in suuqaan laga furo xaafada Garsoor kaasoo dadka halkaas daga ku dhiiragaliyey in laga helayo  fursad dhaqaale.

Magaalada Galkacayo oo horey dagaal kanoo kale ah uga dhacey kaasoo sababey dhimasho iyo bur-bur dhaqaale ayaa waxaa uu ka bilowdey wado laga dhisayo xaafadaas howshaas oo sidoo kale uu hurmuud ka ahaa wasiirka howlaha guud ee Puntland Cabdirashid Maxamad Xirsi.

Cabdirashid Maxamad Xirsi oo kamid ah wasiirada saameynta ku leh Madaxweyne Gaas ayaa lagu eedeeyaa in talaabooyinkaan uu qaadayo salka ku hayaan arimo dhaqaale abuur kuwasoo magaalada Galkacayo iyo shacabka daga ku keeney baro kac, dhimasho iyo bur-bur dhaqaale.

Madaxweynaha Puntland oo isagu diidanaa talaabada lagu joojinayo gadiidka ka imaaanya Koonfurta Somalia ayaa dhowaan xanibaada ka qaadey gadiidka sida xoolaha nool balse Madaxweyne ku xigeenka iyo wasiirka howlaha guud waxay shardi uga dhigeen in suuqaan laga furo goob ku taal afaafka hore halka ay ku dhacdo xuduudka kala bara magaalada Galkacayo.

Dowlada Puntland oo warsaxafdeed kala duwan kasoo saartey dagaalka Galkacayo ayaa ku eedeysay maamulka Galmudug iyo Al shabab dhinac ah iyo ciidamo ka tirsan dowlada Federaalka.

Dhinaca kale maamulka Galmudug dadka kasoo jeeda ee qaybta ka dagan magaalada Galkacayo ayaa u muuqda kuwo diidan talabooyinkaan ganacsi ee ka socda dhinaca Puntland kuwasoo qaarkood saameyn dhaqaale ku yeesheen.

Ma jirto wax talaabo ah ee lagu gaarayo islamarkaana joojin kara colaada dadkaan walaalaha oo madaxda maamuladaan iyo madaxda Federaalka ka yeesheen colaadaan soo noqnoqoneysa kuwasoo si joogta ah uga wada qayb gali jirey shirarka madasha.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM

Puntland oo qaadacdey shirka uu iclaamiyay Xasan Sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa 21-ka ilaa 22-ka bishan April u mudeeyay in uu qabsoomo shir madaxeedkan.

  • Puntland

    17-04-2024

  • 06:28AM