Wasiirrada Puntland oo taageeray shirka Kismayo

Image

BOSASO, Puntland- Shirka Khamiislaha ah ee golaha Wasiirrada Puntland oo maanta ka qabsoomay magaalada Bosaso, ayaa looga hadlay arrimo kala duwan oo ay ku jirto, shirka Kismayo, Aminga, siyaasadda dalka, wada-shaqaynta golaha xukuumadda Federaalka iyo Puntland.

Kulankan oo shir Guddoomiyay Madaxweyne Gaas, waxaa mar kale lagu taageeray shirka Kismayo iyadoo Puntland tilmaamtay inay si buuxda oo mug leh uga qayb gali doonto.

Xukuumadda Puntland, ayaa shirka uu ku dhawaaqay Axmed Madoobe ku tilmaamay mid Dastuuri ah oo qayb ka ah qorshaha lagu xoojinayo nidaamka Federaalka iyagoo ku baaqay in la badiyo kulamada noocaan ah iyo isu imaatinada kusoo beegma waqtiyada ay jiraan xaaladaha xasaasiga ah.

Tallaabadan ayaa khilaafaysa hadal labo maalin kahor kasoo yeeray Madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo shirka Kismayo ku tilmaamay mid aysan ku jirin maslaxadda dalka.

Lama oga waxa keenay kala afkaar duwanaanshaha Madaxweynaha Puntland, golaha wasiirrada oo garab ah iyo Madaxweyne ku-xigeenka oo isna dhinac kale ah.

Dhinaca kale Kulanka golaha Wasiirrada Puntland, waxaa sidoo kale lagu dhaliilay wada-shaqaynta xukuumadda dhexe la leedahay kuwa maamul goboleedyada gaar ahaan xilliyada la ansixinayo xeerka, waxaana xukuumadda Puntland ku baaqday in qaabkan wax laga badalo hadii kale arrintu ahaanayso mid ku kooban DFS.

Puntland ayaa sidoo kale tilmaamtay in degenaanshaha dalka Somaliya uu yahay mid muqadas ah islamarkaana u baahan in laga wada shaqeeyo, waxayna sheegeen in shacabka iyo dowladda Puntland dedaal ku bixin doonaan sidii ay qayb uga noqon lahaayeen geediga lagu hormarinayo dalka.

Mar ay ka hadlayeen amniga Puntland wasiirrada ayaa sheegay inuu yahay mid aad u wanaagsan islamarkaana ciidamadu ku jiraan howlgal xoog leh oo lagu adkaynayo nabad galyada.

Ugu dambayn golaha wasiirrada Puntland ayaa ansixiyay xeer hoosaad ay ku shaqayn doonaan, kaaso ay tilmaameen in wax ka badal lagu sameeyay islamarkaana noqonaya kii saddexaad ee ay samaystaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo lagala hadlay ka hortaaga xaalufinta deegaanka

Isku xirnaanta Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimilada iyo Hogaanka Booliska ayaa sidoo kale looga hadlay shirkan.

  • Puntland

    27-03-2024

  • 04:28AM

Qardho: Mashruuc horseeday jarista dhir baaxad leh oo laga digay

Wasaaradda deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda ee Puntland ayaa ku baaqdey in degdeg loo joojiyo jarista dhirtan.

  • Puntland

    26-03-2024

  • 01:41PM