Xildhibaano kusoo baxay doorashada Aqalka hoose ee Garowe kasocota

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland- Afar goobood oo ku yaalla magaalo madaxda Garowe, ayaa maanta laga bilaabay doorashada Aqalka hoose ee Barlamanka Federaalka Somalia gaar ahaan mudanayaasha ka imaanaya deegaanada Puntland.

612, Ergo oo dhawaan u yeereen guddiga doorashooyinka dadban ee heer Puntland, ayaa dooranaya 12 kamid ah Xildhibaanada Aqalka hoose ee Puntland matali doona.

Doorashada oo xilli hore maanta oo Sabti ah ka bilaabatay hoolal ku yaalla jaamacadaha PSU iyo EAU, ayaa waxaa kusoo baxay 3 mudane oo ay soo doorteen beelaha kala ah; Ciise Maxamud, Ugaas Saleebaan iyo Dishiishe, halka ay socdaan codaynta doorashooyinka beelaha Madhibaan, Cali Saleebaan, Warsangali iyo Dishiise oo xubin labaad dooranaya.

Beesha Ciise Maxamud;

Musharax Cali Yuusuf Cali Xoosh, ayaa kusoo baxay kursiga beeshaas isagoo ku guulaystay codad gaaraya 49 cod, halka ninka la tartamayay Cabdirashiid Xasan Yuusuf uu helay hal Cod kaliya, iyadoo guud ahaan ergada u codaynaysay kursigaas ay tiradoodu ahayd 50 qof, waxaana maqnaa hal Ergay.

Siciid Jaamac Qorsheel oo ka mid ah Guddiga doorashadda dadban ee heer federaal ayaa ku dhawaaqay Natiijadda doorashooyinka. wuxuu sheegay in musharax Cali yuusuf uu ku guulaystay Kursiga Beesha Ciisa Maxamuud ee aqalka Hoose ee Barlamaanka Federaalka.

Beesha Ugaar Saleebaan;

Muuse Axmed Ismaaciil, ayaa isna kusoo baxay doorashada Aqalka hoose gaar ahaan kursiga beesha Ugaar Saleebaan, wuxuuna helay codad gaaraya 44 cod, halka haweenayda la tartamaysay Faadumo Ibrahim Ismaaciil booskaas looga adkaaday.

Beesha Dishiishe;

Cumar Ismaaciil Waabari, ayaa kusoo baxay kursiga koowaad ee beshaas ka heshay kuraasta xubnaha matalaya Puntland, waxaana kula tartamay labo xubnood inkastoo mid kamid ah uusan hoolka soo galin, waxaana mudanaha guulaystay uu helay dhammaan codadkii la dhiibtay.

Beeshaas ayaa iminka guda gashay doorashada xubintooda kale iyadoo ay Ergadoodu ku suganyihiin hoolka Jaamacadda PSU.

Xubnaha hadda Tartamaya;

Beesha Madhibaan: Sakariye Khaliif Faarax, Cilmi Cumar Cilmi, Cabdiraxmaan Axmed Maxamud

Beesha Cali Saleebaan: Maxamud Cali Yuusuf, Cabdixaafid Cali Yuusuf iyo Cabdisamad Yuusuf Maxamed.

Beesha Warsangali: Iimaan Maxamed Canshuu iyo Axmed Ismaaciil Maxamed.

Xildhibaan Cali Yuusuf Cali Xoosh, ayaa noqday mudanihii ugu horeeyay ee maanta lagu doorto magaalada Garowe caasumadda Puntland.

ISHA KU HAYA WARSIDAHA GAROWE, ANAGOO IDIIN SOO GUDBIN DOONA XUBNAHA HARAY

GAROWEONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM