XOG: Magacayada Maraakiib Kaluumeysi oo ku sugneyd duleedka dekada Bossaso

Image

BOSASO, Puntland: Waxaa dhowaan duleedka dekada magalaada Bossaso soo gaarey Maraakiib Kalumeysi kuwasoo wasaarada Kaluumeysiga Puntland ku sheegtey iney hehsiis kula soo galeen dalka Jabuuti.

Warsidaha GO ayaa ogaadey in Maraakiibtaan Kaluumeysi laga leeyahay dalka Thailand iyadoo markii hore wasarada Kaluumeysiga Puntland ay u  keeneen labo nin oo ganacsato ah kuwasoo magacyadooda la kala yiraahdo Liban Cabdulahi Cigaal Iyo Cabdulahi Xaashi Abiib.  

Xogtaan ayaa sheegaysa in Wasiirka wasaarada Kalumeysiga, wasiiro dowlaha halka Madaxweyne Gaas wax ka ogaa lahaanshaha ganacsiga  maraakibtaan laga qaado labadaan nin kuwasoo  la xiriirey shirakada iska leh maraakiibtan una sheegeen iney imaan karaan Puntland kana heli karaan ruqsada Kaluumeysi ay rabaan.

Dhinaca kale warsidaha Garowe online ayaa ogaadey inuusan jirin hehsiis dowlada Jabuuti iyo Puntland u dhexeeya oo la xiriira Kaluumeysi maraakiibtaan ka sameyso xeebaha Puntland. 

Xiriir warsidaha GO la sameeyey saraakiil ka warqabta arintaan ayaa sheegay in xubnahaan ganacsatada ah ( Liban Cabdulahi Cigaal iyo Cabdulahi Xaashi Abiib) horey uga  qaateen fasax ah in Maraakiibtaan imaan karto dekadaha Jabuuti kasoo taariikhdiisu ku ekeyd 31/12/2016. 

Xogtaan ayaa sheegeysa in Liban Cabdulahi Cigaal iyo Cabdulahi Xaashi Abiib qorsheynayeen iney fasaxyo Kaluumeysi ka qaataan dowlada Federaalka, Puntland halka wadanka Jabuuti ka raadinayeen ruqsad ah in Kaluunkaan lagu hagaajiyo iyadoo la raacayo shuruucda caalamiga ah. 

Warsidaha ayaa ogaadey in labadaan nin oo horey ruqsad u heley in maraakiibtaan imaan karaan dalka Jabuuti si loo mariyo shurucda Kalumeysiga ay ka baaqsadeen iyagoo toos u tagey dekada magalaada Bossaso.

Ruqsada Maraakiibtan haysteen iney isticmaalaan calanka Jabuuti ayaa ku ekeyd 31/12/2016 sida warsidaha GO arkey islamarkaana aan dib loo cusbooneysiin.

Dhowaan ayey aheyd in saraakiisha maraakiibta midowga Yurub oo ilaaliya xeebaha Somalia sheegeen in Maraakiibta Kaluumeysiga ee ku sugan xeebaha Puntland kor u dhaafayaan boqlaal kuwasoo haysta waraaqo fasax ah oo ay ku saxiixan yihiin Madaxweynaha Puntland iyo Wasaarda Kaluumeysiga.

Magacyada 7 Markab iyo dalka laga leeyahay 

Maraakiibtaan oo laga leeyahay dalka Thailand ayaa Halkaan waxa idinku soo gudbineynaa magacyadooda, inta ay qaadi karaan iyo dhererkooda waxaana ay kala yihiin sidatan:

1- Magaca Markabka=CHAINAVEE55, Tanka guud= 395.26 T, dhererka Markabka=45M, shirkada dalka Thailand oo ka diwaan gashan yahay= Hainan Yu Feng, nooca matoorka Markabka=1.342.80KW, CATERPILLAR Engines Model 29Z01425, Taariikhda ay dhacdey diwaangalinta dekada Jabuuti= 31/12/2016

2- Magaca Markabka= SUPPHERMNAVEE 21, Tanka guud ee Markabka= 430T,  Shirkada dalka Thailand oo laga leeyahay Markabka= Hainan Yu Feng, nooca Motoorka saaran= CATERPILLAR Model 29Z01425, Taariikhda ay dhacdey diwaangalinta dekada Jabuuti= 31/12/2016

3-Magaca Markabka= CHAINAVEE54, Tanka guud ee Markabka= 384.05 T, Shirkada dalka Thailand oo laga leeyahay Markabka= Hainan Yu Feng, Nooca Matoorka saaran Markabka= 1432.32KW 16 Total Power (kW) cylindre CATERPILLAR Engines Ocean Industry Madel 29Z01145, Taariikhda ay dhacdey diwaangalinta dekada Jabuuti= 31/12/2016.

4- Magaca Markabka= CHAICHANACHOKE8, Tanka guud ee Markabka= 332 T, Dhererka Markabka= 39.50M, Nooca Motoorka saaran Markabka= 1.350KW.16 CATERPILLAR Engines Model 29z01007

5-Magaca Markabka= CHOTCHAINAVEE35, Tanka guud Markabka=398.29 T, Dhererka Markabka= 42.65 M, Nooca Matoorla saaran Markabka= 1.432.32KW.16 Total Power (kW) CYLINDRES Engine Make / CATERPI LLAR  Madel 29Z01465

Warsidaha Garowe online ayaa ku daba jira ogaanshaha labada Markab oo kale anagoo idinku soo gudbin doona wararkeena kale.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Booliska Puntland oo lagala hadlay ka hortaaga xaalufinta deegaanka

Isku xirnaanta Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimilada iyo Hogaanka Booliska ayaa sidoo kale looga hadlay shirkan.

  • Puntland

    27-03-2024

  • 04:28AM

Qardho: Mashruuc horseeday jarista dhir baaxad leh oo laga digay

Wasaaradda deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda ee Puntland ayaa ku baaqdey in degdeg loo joojiyo jarista dhirtan.

  • Puntland

    26-03-2024

  • 01:41PM