XOG: Xubno ka tirsan dowlada Puntland oo mas'uul ka ah amni darada ka jirta magalaada Garowe

Image

GAROWE, Puntland- Wararka warsidaha Garowe online ka helayo ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in xubno sare oo ka tirsan  dowlada Puntland ku lug leeyihiin qalalaasaha ciidmada daraawiishta ka wadaan magaalo madaxda Puntland ee Garowe.

Ilahaan ka warqaba arimahaan ayaa warsidaha GO u sheegey in xubno isugu jira gudoonka sare ee Barlamanka Puntland , sarakiil ka tirsan madaxtooyada Puntland iyo Madaxweyne Gaas ay si ku talagal ah u xalin wayeen sheegashada mushaharadka ka maqan ciidamada daraawiishta taasoo sababtu tahay sidii ay ugu ekeysiin lahaayeen in maamulka Puntland uusan ku shaqeyn karin magaalo madaxda Puntland.  

Warsidaha GO ayaa fahansan in xukuumada Madaxweyne Gaas gabi ahaanba si ku talagal ah  uga gaabisay iney wax ka qabato cabashadii ciidamadii qabsadey dhamaadkii bishii Febraayo xarunta Barlamanka Puntland.  

Xal u helista falkaan khalkhalka galiyey hay'ada sharci dajinta Puntland ayaa sida GO u sheegeen qaar ka tirsan saraakiisha dowlada ayaa noqon karey hadii xukuumada madaxweyne Gaas daacad ka tahay xalintooda labo arimood oo kala ah;  In xukuumada si deg deg ah u bixiso lacagta ciidamadaan sheeganayaan iyo In talaabo sharci ah laga qaado saraakishii hogaamineysey qabsashada xarunta Barlamanka iyadoo adeegsaneysa saraakiisha ugu sareysa ciidamada daraawiishta Puntland balse Xukuumada Gaas ayaan labadaan talaabo  midna fulin iyadoo ku  badashay waxqabadkii laga sugayey iney falkaan ku eedeeyaan siyaasiyiin reer Puntland kuwasoo xilal horey uga soo qabtey xukumadihii hore. 

Dhinaca kale baarista warsidaha Garowe Online ku sameeyey sida xukuumada Gaas iyo xubnaha gudoonka Baaralamanka Puntland u raadinayaan in amni darada magaalo madaxda Puntland u gaarto heerkii ugu sareeyey ayaa waxay ku saleysan tahay kadib markii Islaan Ciise Islaan Maxamad ku guuleystey in ciidamadaan kasoo kexeeyo xarunta Barlamanka kulan ay isugu yimadeen xubno ka tirsan gudoonka Barlamanka, wasiiro iyo xildhibaano ayaa waxaa lagu heshiiyey in cabashada ciidmadaan wax laga qabto taasoo ilaa iminka xukuumada madaxweyne Gaas waxba ka fulin. 

Sidoo kale talaabooyinka fashilinayey in heshiis laga gaaro murankaan ayaa waxaa kamid ahaa  warsaxafadeed kasoo baxay wasarada maaliyada kaasoo lagu sheegay in ciidamada gadoodey gabi ahaanba wax mushahar ah ku laheyn xukuumada iyadoo dhinaca lagu eedeeyey falkaan siyasiyiin kale. 

Warsidaha GO oo la hadlay qaar ka tirsan saraakiisha ciidmaada ayaa waxay u sheegeen in gudoomiyaha Barlamanka iyo wasiirka maaliyada labaduba ku sugnaayeen maalmihii lasoo dhaafey magalaada Garowe kuwasoo ka gaabsadey iney la kulmaan saraakiisha ciidmaadaan islamarkana xal u helaan sheegashada ciidmadaan. 

Talaabooyinka kale oo xukuumada madaxweyne Gaas kaga gaabisay xal u helista sheegashada ciidmadaan gadoodsan taasoo keentey inuu khalkhal galo amniga magaalo madaxda Puntland ee Garowe ayaa talaabadii ugu dambeysay waxaa ay aheyd kadib markii madaxweyne Gaas magalaada Bossaso ugu yeeray maalintii shaley 8 March, 2017 dhamaan xubnaha golaha wasiirada magalaada Bossaso. 

Ciidmadaan gadoodka sameeyey oo sida Garowe Onlin fahansan yahay aan ka amar qaadan saraiisha sare ee xakunta ayaa habeenkii xalay qabsadey 8 March, 2017  kontroolka Konfureed magaalo madaxda Puntland ayaa wararku sheegayaan in talaabadaan qaadeen kadib markii golaha xukuumada iyo guddoonka Barlamanka u ambabaxeen magalaada Bossaso iyagoo wax ka qaban xaaladii taagneyd.

Xubno ka tirsan ciidmadaan qabsadey Kontroolka oo la hadlay idaacada VOA ayaa sheegay in sababta u qabsadeen  bartaan tahay maadaama dowlada ku guuldareystey in xuquuqdoodii siiso. 

Falkaan oo dhamaan shacabka Puntland gaar ahaan kuwo dagan magaalo madaxda ka xumaadeen ayaa wararka ugu dambeeya waxay sheegayaan iney waan waan kaga jiraan waxgaradka gobolka Nugaal iyo saraakiil ka tirsan ciidamada Puntland. 

Xukuumada Puntland ayaa weli ka hadlin falkaan ciidamada ku qabaadeen bartaan Kontroolka ah halka aysan weli wax jawaab ah ka bixin eedeyntii maalintii shaley kasoo yeertey taliska ciidamada daraawiishta.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM

Puntland oo qaadacdey shirka uu iclaamiyay Xasan Sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa 21-ka ilaa 22-ka bishan April u mudeeyay in uu qabsoomo shir madaxeedkan.

  • Puntland

    17-04-2024

  • 06:28AM