Xoosh oo been ku tilmaamey in Dastuurka KMG ee Federaalka Somalia wax laga badalay [ Dhageyso]

Image

GAROWE, Puntland- Kulan maalintii shaley 14/06/2017 isugu yimaadeen qaybo ka tirsan bulshada rayidka ah iyo wafti uu hogaminayey wasiirka Dastuurka dowlada Federaalka ah Cabdiraxman Xoosh Jibriil ayaa lagaga hadlay qorshe dib u eegista lagu sameynayo Dastuurka KMG ee Somalia.

Kulankaan oo muddo badan qaatey ayaa waxaa su'aalo badan lagu waydiiyey Wasiirka Dastuurka Federalka Somalia kuwasoo ay ugu muhiimsaneyd su'aal uu waydiiyey nin la yiraahdo Suleymaan Maxamad Xasan oo ka socdey bulshada rayidka ah.

Suleymaan Maxamad Xasan ayaa waydiiyey Wasiir Xoosh,  isagoo xusey in Shacabka Puntland iyo dowladooda rumeysan yihiin in qodobo laga badalay Dastuurkii lixdii ka tirsaneyd madaxda Somalia ee markaas sanadkii 2012 ku saxiixeen magaalada Nairobi 26 qodob laga badalay iyadoo aan loo Marin Wado sax ah, marka adiga Wasiir hadda maxaa wadaa Dastuurkii Lixda saxiixe ee 2012, ma waxa wadaa kii laga saarey 26 Article, mise waad isku soo celisay, Marka waxaan kaa rabnaa tafaasiil arinkaas ku saabsan in aad ma siisid.

Wasiirka Dowlada Federaalka Somalia oo ka jawaabaya su'aasha Suleymaan Maxamad ayaa ku tilmaamey arinka wax ka Badalista Dastuurka KMG ah Aragti Shirqool (conspiracy theory), isagoo sheegey in Dastuurkaan markii la sameynayey uu dalka Somalia markaas Ra'isal wasare ka ahaa Madaxweyne Gaas, wasiir Xoosh oo isaguna reer Puntland ah uu ahaa wasiirka Dastuurka.

" Dastuurkaan Hal mar ayaa waxa laga badalay waxay aheyd 7 September, 2012 aniga MP baan ahaa markaas iyo ku sime wasiir, Cabdiweli Gaas MP iyo ku sime Ra'isla wasaare, Shiikh Shariif MP iyo ku sime madaxweyne, Xasan Shiikh MP kaliya ayuu ahaa, Jawaari kaliya ayaa joogto ahaa oo Speaker loo doortey waxaa la badalay waxay aheyd type error oo dhacey Barlamanka waqtigiisa uu ahaa 4 sano madaxweynahana waxaa uu noqonayaa Shan sano runtii wixii laga soo hadlayey waxay aheyd in labadooda Afar sano ahaadaan, golihii ansaxinta ayaa soo jeediyey qodobkaas wax lag badalo, mooshin Barlamanka ayaa la geeyey gacanta ayaa la taagey kuli wixii Barlamanka ku jirey gacanta ayey wada taageen, qodobka kale ee la badalay waxaa uu ahaa maqaamka caasimada waxaa go'aan laga gaari doonaa Marka dib eegis lagu sameeyo Dastuurka iyadoo gacan taag lagu sameeyey magaalo madaxda Muqdishu iney tahay loo sameeyey halka dhinaca kale barlamanka aqalka hoose u codeeyey in aqalka sare la laalo isagoo shaqadiisa uu qabanayo golaha shacabka." 

Wasiir Xoosh oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri, " Waxaan idiin sheegaya meesha uu wareerka ka jiro, waxaa weeye saxiixayaashaa Dastuurka ay sixiixeen, saxiixayaashu Dastuur ma saxiixin, Politician qaarkood ku doodaan baan arkey taas, saxiixayasha waxay saxiixeen Political agreement, saxiixayaal Dastuur ma sameyn karaan, Political leaders waaye, heshiiska siyaasadeed ay saxiixeen  Dastuur ma aha, dad baa u haysta dastuurka aan saxiixey ayaa la badalay, dastuurkaa waa la qaadey khubaro loo geeyey, political statement  ayaa loo badalay Dastuur, kabacdina waxaa loo gudbiyey guddi farsamo kuli saxiixayasha oo dhan kamid ahaayeen, maalinta ay saxiixeen saxiixayaasha maalintaas ayaa ugu dambeysay awood ay Dastuurka ku yeeshaan, kadib golaha ansaxinta oo 800 qof aheyd ee laga kala keeney qaybaha Kala duwan ee Somalida kuwasoo lagu keeney 4.5 iyagaana draft ugu dambeyeey oo ah kan hadda aan hayno oo dib eegista lagu sameynayo ansaxiyey, anigana markii confusion-kaa yimid press statement baan ka soo saarey, jawaarina waa ka soo saarey." 

Dhinaca kale Wasiirka ayaa difaacey in Xasan Shiikh Dowladiisii wax ka badashay Dastuurka KMG ah isagoo sheegey in aan ku doodno in Xasan Shiikh inta xilka Hayey Dastuurka wax ka badalin, isagoo hoosta ka xariiqey in arinkaan yahay mid iska propaganda ah

Hadal ka wasiirka ayaa yimid xilli dowladihii isaga dambeeyey Puntland iyo barlamanadoodda ku doodayeen in Dastuurka KMG ah fedralaka ah laga badalay 26 qodob. 

HALKAAN KA DAAWO

GAROWEONLINE 

Related Articles

Booliska Puntland oo lagala hadlay ka hortaaga xaalufinta deegaanka

Isku xirnaanta Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimilada iyo Hogaanka Booliska ayaa sidoo kale looga hadlay shirkan.

  • Puntland

    27-03-2024

  • 04:28AM

Qardho: Mashruuc horseeday jarista dhir baaxad leh oo laga digay

Wasaaradda deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda ee Puntland ayaa ku baaqdey in degdeg loo joojiyo jarista dhirtan.

  • Puntland

    26-03-2024

  • 01:41PM