Xubno kasocday maamullada Somalia oo shir ugusoo xirmay Garowe [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland- Magaaladda Garowe ee Xarunta DOwladda Puntland waxaa Maanta lagu soo gaba gabeyay shir soconayay Mudo saddax casho ah oo looga hadlayay Qorshaha Shanta Sano ee Dib u eegista Barnaamijka hormarinta Degmooyinka oo ka socda maamullada Puntland, Jubbaland, Koonfur Galbeed iyo Galmudug.

Shirkan ayaa waxaa soo qaban qaabisay Wasaaradda Arimaha Gudaha Puntland gaar ahaan Kusimaha Agaasimaha Guud ee Wasaaraddasi Mudane Maxamed Cali Nuur Jubba.

Kulankan, waxaa joogay Agaasimayaasha Waaxyaha Qorsheynta Maamulka Iyo Maaliyadda Degmooyinka Maamul goboleedyada Somalia, marka laga reebo HirShebeelle oo Barnaamijka JPLG uusan ka socon. La-taliyaal Caalami ah ayaa sidoo kale madasha shirka ku sugnaa.

Muhiimada ugu weyn ee shirkan loo qabtay ayaa waxaa lagu sheegay inuu ahaa sidii loo ogaan lahaa waxyaabaha ka qabsoomay Barnaamijkan iyo sida uga faa’iidaysteen maamullada uu ka socdo.

Xubnaha ka qeybgalayay shirkan ayaa diiradda saaray Buuga waxqabadka shantii sano ee la soo dhaafay iyagoo soo jeediyay talooyin ku saabsan sidi wax loogu dari lahaa loogana dhimi lahaa wax-qabadyada la xariira Mashruucan ay maalgaliso Shan hay’adood oo katirsan Qaramada Midoobay.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha Jubbaland Cabdiraxmaan Cabdi Maxamed oo hogaaminayay Wefdi ka soo socdaalay Magaaladda Kismaayo ayaa shirkan ka hadlay waxaana uu sheegay in Dowladda Puntland uu aad uga mahad celinayo qabashadda shirkan.

Cabdiraxmaan ayaa sheegay in casharro badan ka faa’iidi doonaan shirkan kaasoo ay ku dabaqi doonaan howlaha ka socda deegaanada maamulladooda.

Ugu Dambeyn shirkan waxaa soo xiray ku simaha Agaasimaha guud ee Wasaradda Arimaha Gudaha puntland Mudane Maxamed Cali Nuur Jubba waxaana uu marka hore u mahad celiyay xubnaha ka qeybgalay madashan.

Agaasimaha ayaa ugu baaqay dhammaan xubnaha ka qeybgalay isu imaatinkan inay la yimadaan qorsheyaal dhameystiran oo salka ku haya sidii ay howshan gundhig ugu noqon lahaayeen sidii ay uga faa’ideysan lahaayeen Barnaamijkan.

Ugu dambayntii waxaa goobta lagusoo bandhigay Buug la Magac baxay “Hagaha ka qeybgalka Qorsheyaasha Maalgelinta Degmooyinka Maamul goboleedyada Somalia”, kaasoo la tilmaamay in waxbadan laga faa’iidi doono.

GAROWEONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo lagala hadlay ka hortaaga xaalufinta deegaanka

Isku xirnaanta Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimilada iyo Hogaanka Booliska ayaa sidoo kale looga hadlay shirkan.

  • Puntland

    27-03-2024

  • 04:28AM

Qardho: Mashruuc horseeday jarista dhir baaxad leh oo laga digay

Wasaaradda deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda ee Puntland ayaa ku baaqdey in degdeg loo joojiyo jarista dhirtan.

  • Puntland

    26-03-2024

  • 01:41PM