Xukun dil ah oo lagu fuliyay Askari katirsanaa ciidanka dowladda Somalia

Image

MUQDISHU, Somalia- Waxaa maanta xukun dil ah Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Dalka Somalia ku fulisay askari katirsanaa ciidanka qalabka sida.

Askariga la qisaasay ayaa lagu magacaabaa Axmed Cabdi Maadey oo 28-sano jir ahaa, kana tirsanaa ciidanka Booliiska.

Marxuukan la toogtay ayaa eedeysnaa dilka marxuum kale oo lagu magacaabi jiray Maxamed Cali Cabdalla, kaasi oo uu ku dilay degmada Afgooye 05 January, 2017.

“Taariikhdu Markay Ahayd 13/03/2016 Abaaro 09:00 subaxnimo waxay Maxkamada Dar 1aad Ciidamada Qalabka Sida Ufariisatay Dacwad Ciqaabeedkii loo haystay Gacan ku dhiigle Ex-A/le Bol. Axmad Cabdi Maadeey 28 jir ah Ina Khadiijo Kuusoow ku dhashay Bu,aale ka tirsanaa Saldhiga Boliiska Degmada Afgooye, kaasoo Xafiiska Xeer ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ku soo eedeeyey in  uu dilay Marxuum la oran jiray  Maxamed Cali Cabdalla , Tr. 05/01/2016 dilkaas oo ka dhacay degmadda Afgooye, waxayna ku Xukuntay Diyadii Marxuumka,” Ayuu yiri ku-xigeenka xeer ilaalinta maxkamadda ciidamada qalabka sida Dhamme Muumin Xuseen Cabdullahi

Maxkamadda darajada Koowaa ayaa horey waxay askarigan ugu xukuntay inuu bixiyo diyada marxuumkii uu dilay, balse racfaan uu ka qaatey ayeey maxkamadda sare ee ciidanka qalabka sida waxay ku xukuntay dil toogasho ah.

Maaha markii ugu horay oo xukun noocaan ah lagu rido askar katirsan ciidanka dowladda Somalia.

Inta badan ciidamada dowladda ayaa isu gaysta dilal kala duwan kuwaasoo qaybtood la qisaaso halka kuwo kale ay bixiyaan dayo.

Toogashadan ayaa waxaa goob joog ka ahaa mas'uuliyiin katirsan maxkamadda ciidamada qalabka sida.

GAROWEONLINE

Related Articles

Koonfur Galbeed iyo Galmudug oo beeniyay qoraal lala xiriiriyey

Beenintan ayaa imaanaysa xilli hogaamiyeyaasha labadan maamul ay joogaan Muqdisho.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 05:13AM

Qaramada Midoobay oo xaqiijisay war dhowaan uu baahiyay Garowe Online

Waxuu isbedelkan imaanayaa xili khilaaf siyaasadeed uu ka jiro Soomaaliya, oo ka dhashay wax ka bedelka dastuurka.

  • Soomaliya

    22-04-2024

  • 05:25PM