47 qof oo ku afduubnaa gudaha Kenya oo lagu wareejiyay Jubbaland

Image

DHOOBLEY, Somalia- Dowladda Kenya ayaa Jubbaland ku wareejisay Muwaadiniin Soomaaliyeed oo mudo ku afduubnaa gudaha dalkeeda, kuwaasi oo ay ku jiraan haween iyo caruur badan.

Taliyaha Ciidanka Booliska degmada Dhoobley ee Jubbaland Haybe Axmed ayaa sheegay in xiriir ay la sameeyeen dowladda Kenya ay u suurta gashay in lagu soo wareejiyo la haystiyaasha oo gaaraya 47 qof.

Axmed Cabdullaahi ayaa warbaahinta u sheegay in dadkani ay ku jireen Konteenaro, islamarkaana lagu hayay goob lagu magacaabo  Mingi, oo ku taalla dalka kenya, halkaasina ay maxaabiis ku ahaayeen.

Waxaa uu sheegay in Muwaadniintan Soomaaliyeed markii hore laga waday Somalia , islamarkaana la doonaayay in laga ganacsado, iyagoo looga sheekeeyay in La geynayo xerada Qaxootiga Dhadhaab.

"Dadkan waa dadka sida xun loola dhaqmo, ee laga ganacsado. Dadkan waxaa la mariyay Dhoobley iyadoo la leeyahay waxaa la adin geynayaa Dhadhaab, kadibna waxaa la geeyay Gaarisa, oo Kunteenar looga sii qaadey, lana geeyay Miingi," ayuu yiri Axmed.

Wuxuu sheegay in dadkan oo caruur iyo waayeello kamid yihiin qaarkood ay neef-qabatoobeen, islamarkaana ay dhibaato badan kala kulmeen kuwa afduubka u haystay, oo doonayay inay ka ganacsadaan.

Dadka ka gudba xuduuda Somalia iyo Kenya ayaa inta badan la kulma dhibaatooyinka kala duwan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Midowga Yurub oo ansixiyey $116.9 milyan loogu talagalay Soomaaliya

Qeyb kamid ah lacagtan ayaa waxaa la sheegay in ay heli doonan ciidamadda ATMIS.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 10:11AM

Soomaaliya oo 3-heshiis la saxiixatay dowladda Tansaaniya

Labada dhinac ayaa saxiixay heshiis ay iskaga kaashanayaan Dalxiiska.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 08:36AM