60 Maalmood kadib Wasiir Bayle maxaa u qabsoomay?

Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHU, Somalia- Wasiirka Maaliyadda dowladda Federaalka Somalia Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa shir jara’id ku qabtay xarunta Wasaarada, ayaa ka hadlay horumarada ay Wasaaraddu samaysay 60-kii casho ee u danbaysay sida: kordhinta dakhliga, qaadashada mushaaro joogta ah, isbadalo lagu sameeyey shaqaalaha ka howl gala Dekeda iyo garoonka iyo horumarada dowladu ay ka samaysay cafinta daymaha dalka lagu leeyahay.

Wasiirka ayaa ugu horayn sheegay in mudadii uu joogay xafiiska wax badan uu ka qabtay kordhinta dakhliga taas oo sabab u ahayd isbadal balaaran oo lagu sameeyey shaqaalaha ka howl gala dekedda iyo garoonka Aden Cadde.

“Xilka waxaan la wareegay 01, April, 2017, mudadaas yarta ah waxaan ku guulaysanay inaan kor u qaadno dakhliga ka soo xaroodo dekedda halka garoonka diyaaradaha ee Aden Cade uu kor u kacaya 30% lacagtii soo xaroon jirtay, taasna waxaa sabab u ah isbadalada aan ku samaynay iyo sidaan ugu diyaar garoownay la dagaalanka musuq maasuqa, waxaan sidoo kale rajo badan ka qabnaa in aan sii kordhino waqtiyada dhow, waxaase lagama maarmaan inana wada shaqayn ka helno shacabka Soomaaliyeed,” Ayuu yiri Wasiir Beyle.

Sidoo kael Wasiirka ayaa sheegay in dowladda cusub dadaal weyn ugu jirto inay ku tirsanaato dakhliga ka soo xarooda gudaha, meeshana laga saaro ku tiirsanaashaha dhanka beesha caalamka,

“Wax soo saarkeena iyo canshuurteen oo ah ilaha dhaqaale ayaa wadan lagu maamulaa. Waxa ka yimaada dibadda waa deyn aad soo qaadato ama deeqa lagu siiyey, markii aad yaboohsi ku jirto waxaa jira shuruudo badan oo lagaa rabo inaad buuxiso. 26 sano ee la soo dhaafay sida uu dalku u socday waxay ahayd in dibadda laga raadsado wax kasta oo aan u baahanahay, shaqada dowladu waxay ku soconaysaa waa inaan bixino canshuurta, markaas ayaan bixin karnaa mushaaradka shaqaalaheena kala duwan, waxaa Ilaahay mahadiisa ah in mudadii aan joognay qof walba uu qaatay mushaarahadkiisa, iyo lacagaha yar yar ee Wasaaraduhu ku dhaq dhaqaaqaan (Running Cost)," Ayuu yiri Beyle.

Wasiirka oo sii hadlayey ayaa yir, “Waxaan meesha ka saarnay lacagtii gunooyinka ahaa oo intii kiishka lagu qaato dadka loo qaybin jiray, taas oo aan ka mid ahayn nidaamka isla xisaabtanka iyo hufnaanta, qof walba oo dowlada lacag ka qaata waxaan u samayn Bangi Xisaabeed ay lacagtiisu ku dhacdo.”

Dhanka kale Wasiir ayaa sheegay in deyntii lagu lahaa Soomaaliya ay meel fiican marayso dowladuna la tacaalayso sidii ay u fulin lahayd shuruudaha nalagu xiray cafinteed “ Lacagaha deynta ah oo nalgu leeyahay waxaa cafinteeda nagala shaqeynaya IMF-ta, waxaan naloo jeexay khad aan ku soconayno mudo sanad ah si aan u gaarno cafinta daynta, waxaana khadkaas ka mid ah inaan kordhino dakhligeena iskana bixino mushaaradka iyo daymaha kale ee shirkaduhu nagu yeeshaan”

Ugu danbaynti Wasiirka yaa sheegay in Bangiga Aduunku ugu deeqay Soomaaliya lacag gaaraysa 50 milyan oo lagula tacaalayo abaaraha dalka ka dhacay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Golaha Wasiirada oo ansixiyay heshiiskii soo saarista Shidaalka ee Turkiga

Heshiiska ayaa qoraya in Dowladda Turkiga ay ka caawiso Soomaaliya dhanka wax soo saarka shidaalka.

  • Soomaliya

    27-03-2024

  • 06:12PM

Farmaajo oo dib ugu laabtay Caasimadda Qatar ee Dooxa

Madaxweynihii hore ayaa toddobaadyo ku sugnaa magaalada Muqdisho.

  • Soomaliya

    27-03-2024

  • 12:11PM