​Akhriso: Murashax Madaxweyne oo tanaasulay

Image
Image

MUQDISHU, Somalia- Mid kamid ah raggii u taagnaa xilka Madaxweynaha dowladda Federaalka Somalia, ayaa maanta tanaasulay xilli wajiga labaad khudbad jeedintu kasocoto xarunta golaha Shacabka ee Villa Hargaysa.

War-saxaafadeed uu soo saaray Eng. Cabdullaahi Cali Xasan ayuu kusheegay inuu ka noqday go'aankiisii hore, wuxuuna u sababeeyay jaahwareer siyaasadeed oo ka jira dhinca doorashada.

Warar hoose oo Warsidaha GO uu helayo ayaa sheegaya in uu u tanuusalay MD Xasan Sheekh, oo ay kasoo wada jeedaan Beesha abgaal - Waceysle.

Waa Murashaxii ugu horeeyay ee is diiwaan geliyay hadana tanaasulay, isagoo isku-diiwaangeliyay lacag gaarayso $30,000, oo maanta ay u baahan yihiin Malaayiin shacab ah oo Gaajo u dhimanayo.

Murashax Cabdullaahi Cali Xasan waxa uu ka mid ahaa 8-da Murashax oo maanta ku qornaa Hadal-jeedinta Murashaxaiinta Madaxweynaha  ee Xildhibaanadda Labada aqal ee Golaha Shacabka & Wakiilada.

Ra'iisul Wasaarihii hore ee xukuumadii KMG ahayd ee Somalia Cali Maxa'ed Geedi, ayaa dhawaan u tanaasulay Cabdulqaadir Cali Cosoble, oo ay isku qabiil ka dhasheen.

Hoos ka akhriso war-saxaafeedka Murashaxaas uu ku tanaasulay.

Anigoo ah Eng. Cabdullaahi Cali Xasan waxaan Go’aan ku gaaray  in aan ka tanaasulo u tartanka jagada Madaxweynimo ee Soomaaliya maanta oo taariikhdu tahay 04.02.2017, tanaaulkeyga musharaxnimada Madaxweynaha wiuxuu ku saleysanyahay sababaha hoos ku qoran:

Markii aan qiimeeyay xaalada qalafsan ee dalku ku suganyahay iyo baahida  loo qabo in la helo hoggaan karti leh oo dalka u horseeda dowladwanaag, amni iyo kala dambeyn, cadaalad, iyo horumar bulsho iyo mid dhaqaale.

Markii aan arkay in musharixiin gaaraya 24 ay isku soo sharaxeen in ay u tartamaan xilka madaxweyne ee dalka taas oo markhaati u ah jahawareerka siyaasadeed ee dalkeena  ka jira oo aysan ka tarjumayn baahida dalkeena iyo dadkeena oo  ku jira xaalada qalafsan ee siyaasadeed, amni, dhaqaale iyo bulsho.

Anigoo garowsan in is sharaxaadaydu  aysan ku  qotomin mar uun madaxweyne ha lagu yiraahdo oo ay daacad iga tahay Ilaah hortiisa in aan dalkeyga iyo dadkeyga ugu adeego si daacadnimo ah  xil ama jago walba oo aan qabto,diyaarna u ah in amaanada ay umadaydo ii dhiibato aan u guto si daacadnimo ah oo Alle kacabsi leh.

Anigaoo la tashaday waxgarad badan oo Soomaaliyeed oo ka kooban qaybaha bulshada sida siyaasiinta, aqoonyahanada, dhallinyarada, haweenka, duubabka , odayaasha dhaqanka, ganacsatada iyo qaybaha kale ee bulshada ayaa waxaan go’aansaday in aan tartanka madaxweynimo ka tanaasulo waqtigaan.

Waxaan mahad balaaran oo aan la soo koobi karin leh Ilaah subxaanuhu watacaalaa. Waxaan kale oo aan mahadcelin halkaan uga soo jeedinayaa taageerayaasheyda meel kasta oo ay joogaan dalka iyo dibada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed guud ahaan.

Sidoo kale musharixii ku guuleysta jagada madaxweynaha waxaan u soo jeedinaa in uu dalka daacad ugu shaqeeyo oo uu taarikhda baal dahab ah ka galo, jiilka soo socdana u reebo dhaxal wanaagsan”

Tanaasulkan ayaa kusoo beegmay xilli 08 February, 2017 dhici doonto doorashada Madaxweynaha Somalia oo ay u loollami doonaan 23 murashax hadii aysan cid kale tanasulin maalmaha soo socda.

GAROWEONLINE

Related Articles

Soomaaliya iyo Turkiga oo dhaqan-geliyay heshiis dhanka difaaca ah

Madaxwayne Xasan Sheekh ayaa ka qeybgalay munaasabada lagu soo bandhigay fulinta heshiiskan.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 04:20PM

Turkiga oo markab dagaal weyn usoo diray xeebaha Soomaaliya

Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu waddaa inuu ka qeybgalo xafladda soo dhaweynta markabka.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 05:42AM