Al shabaab oo 57 dagaalyahan looga dilay Jubba hoose

Image

KISMAYO, Jubbaland- Afhayeen u hadlay ciidamada difaaca Kenya ayaa sheegay in weerar ay ka fuliyeen gobolka Jubbada hoose, gaar ahaan duleedka degmada Afmadow ay ku dileen 57 xubnood oo katirsanaa Al shabaab.

Korneel Joseph Owuoth ayaa sheegay in howlgalka lagu dilay dagaalyahanada uu ka dhacay saakay oo Khamiis ah deegaan ay Al shabaab maamusho, oo 32KM waqooyi-galbeed uga beegan degmada Afmadow.

Afhayeenka ayaa tilmaamay in weerarka uu ka dhashay dagaal saacado qaatey oo ay ka qeyb-qaateen diyaaradaha qumaatiga u kaca ee Helicopters-ka kuwaasi oo duqeyn ka fuliyay deegaanka la weeraray.

"Weerarka wuxuu ahaa mid qorsheysan oo aan ka fulinay duleedka Afmadow, waxaana ku dhimatay 57 katirsana Al shabaab, tiro intaasi ka badana way ku dhaawacmeen," Ayuu Colonel Joseph Owuoth.

Wuxuu intaas ku daray Colonel Joseph Owuoth in ciidamada Kenya ay aad u feejigan yihiin, sidoo kalena ay sii wadi doonaan howlgallada ka dhanka ah Al shabaab, si ay u xaqiijiyaan amniga dalkooda iyo xasilinta Somalia.

Bishii January, Al shabaab ayaa weeraray saldhiga ciidamada Kenya ee deegaanka Kulbiyow, kaasi oo ay ku dileen 66 katisaraan ciidamada difaaca dalka Kenya, ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM.

Sanadkii hore Billowgiisa, ayay sidaasi oo kale u weerareen Al shabaab saldhiga ciidamada Kenya ee deegaanka Ceel cadde oo katirsana gobolka Gedo, waxayna ku dileen sida Al shabaab sheegtay in ka badan 100 Askari.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo shir ku casuumay madaxda maamulada xilli ay xiisad jirto

Casuumaadan ayaa imaanaysa saacado kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in maamulada soo saarayaan bayaan wadajir ah.

  • Soomaliya

    17-04-2024

  • 04:28AM

Wasiirka cusub ee arrimaha gudaha Soomaaliya oo xilka la wareegay

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ahna Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha Salah Jama ayaa goobjoog ahaa munaasabadan.

  • Soomaliya

    16-04-2024

  • 12:07PM