​Al shabaab oo madax-furasho dul dhigtay Shaqaale u af-duuban

Image

BAYDHABO, Somalia - Al shabaab ayaa dalbatay lacag madax-fursho ah, sii deynta Shaqaale u shaqeeya Hay’ad Samafal oo shalay ku qafaasheen duleedka magaalada Baydhabo, ee xarunta gobolka Baay.

War kasoo baxay Al shabaab ayaa lagu sheegay inay doonayaan $200,000 (Labo Boqol oo Kun oo Doolar), oo ay kusii deynayaan Shaqaalahan oo gaaraya 7 ruux, oo 4 kamid ah ay yihiin haween.

Saraakiisha gobolka Baay ayaa wado dedaallo ay kusoo sii deynayaan Shaqaalahan gargaarka, waxaana ay u direen Al shabaab Odayaal lasoo xaajooda, si xuriyadooda loogu soo celiyo dadka ay qafaasheen.

Shaqaalaha ayaa katirsan NGO Maxali ah, oo lagu magacaabo GREDO kaasi oo howlgalo samafal, oo nafaqeyn iyo quudin isagu jirta ka wado deegaano ku yaallo gobolka Baay.

Waxaa lagu afduubey duleedka Baydhabo, xili ay la socdeen Gaari NOAH ah, iyagoo ka yimid dhanka degmada Buurhakabo, ee isla gobolkaasi. Waxaa afduubay rag katirsan Kooxda Al shabaab.

NGO GREDO wali kama uusan hadlin afduubka shaqaalahiisa. Al shabab ayaa sanadkan gudahiisa shaqaale gargaar ka kaxaystay gobolka Gedo, inkastoo ay sii daayeen kadib wadahadal.

GAROWEONLINE

Related Articles

Soomaaliya iyo Turkiga oo dhaqan-geliyay heshiis dhanka difaaca ah

Madaxwayne Xasan Sheekh ayaa ka qeybgalay munaasabada lagu soo bandhigay fulinta heshiiskan.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 04:20PM

Turkiga oo markab dagaal weyn usoo diray xeebaha Soomaaliya

Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu waddaa inuu ka qeybgalo xafladda soo dhaweynta markabka.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 05:42AM