Al shabaab oo weerar ku qaadey saldhig Boolis Kenya
KENYA-Booliska dalka Kenya ayaa sheegey in ka badan 100 dagaal-yahanada Al shabaab ka tirsan weerar ku qaadeen saldhig ciidamada oo ku yaal xuduudka waxeyna qaateen 10,000 Xabo.
Weerarkaan oo lagu qaadey saldhig la yiraahdo Diff oo ku yaala Degaanka Wajir gobolada Woqooyi Barri Kenya.
Dagaalkaan ayaa saraakiisha Kenya sheegtey in lagu dhaawacey Askari Boolis ah ayaa sidoo kale qaatey hubkii yaaley bakharka saldhigaas.
Joseph Boinnet oo ah taliyaha Booliska Dalka Kenya ayaa AFP u sheegey in ciidamada Saldhiga Booliska iska caabin xoogan ku sameeyeen weerarka al shabaab.
GAROWEONLINE