Askari katirsan AMISOM oo lagu dilay Hiiraan

Image

BULO-BURDE, Somalia - Askari u dhashay dalka Dabuuti, oo qeyb ka ahaa ciidamada Midowga Africa ee (AMISOM), ayaa maanta lagu dilay gudaha degmada Buulo-burde ee gobolka Hiiraan.

Goobjoogayaal ayaa u xaqiijiyay Warsidaha GO in Nin hubaysan uu toogasho ku dilay Askariga xilli uu ku sugnaa gudaha magaalada, kadibna goobta isaga baxsaday kahor inta aysan soo gaarin  ciidamada AMISOM.

Ma jirto koox sheegatay Mas'uuliyada dilka Askariga reer Jabuuti, mana jiraan sidoo kale war kasoo baxay saraakiisha maamulka gobolka Hiiraan iyo AMISOM oo ku aadan dhacdadaasi.

Dilka Askari kahor ayaa la sheegay in ciidamado katirsan dowladda Somalia ay rasaas ku fureen Askari kale oo Jabuutiyaan ah, kadib markii sida la sheegay uu dharbaaxo ku dhuftay gabar qaadka iibisa oo ay murmeen.

Lam oga in labada dhacdo ay xiriiraan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM

Shanta ajande uu Xasan Sheekh doonayo in baarlamaanka u ansixiyo

Labo kamid ah qodobadan ayaa la sheegay in madaxweynaha uusan gorgortan ka geli doonin.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 06:43AM