​Axmed Kayse oo qiray in Dawo dhacday lagu daray olalaha Tallaalka xoolaha Puntland

Image

GAROWE, Puntland- Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Puntland, ayaa ka hadashay dawo dhacday oo la qaybiyay bishii hore gaar ahaan intii u dhaxaysay 21-31 January 2017, kadib markii ay soo ifbax-day warar ku saabsan qaabka loo qaybiyay iyo waxyeello soo wajahday dadkii tallaalkaas uu gaaray.

Agaasimaha Guud ee wasaaraddaas, Axmed Kayse ayaa Idaacadda SBC ka sheegay qiraal diidmo ku jirto kadib markii wax laga weydiiyay kiiskaas.

Axmed Kayse ayaa xusay inay jirto dawo dhacday, balse aan la isticmaalin mudadii ololehaas kasocday Saddex kamid ah Gobollada Puntland, gaar ahaan kuwii ay u hayaameen dadkii kasoo barakacay abaaraha ka jirta Somalia.

"Waxaa dhacay qalad yar oo farsamo oo aan cid ku talo gashay jirin daawayo yar oo dhacday oo ah Hal-nooc oo qiyaasta aan 40 dhalo ka badnayn, ayaa waxay ku dhex-qaldantay dawadii loo qaybinayay shaqaalihii dhaqaatiirta fulin lahaa daweynta xoolaha,"Ayuu yiri mudane Kayse

Wuxuu xusay in dawadan ay kusoo dhex-dhuumatay mid kale kadib markii ay kasoo guureen dhismihii hore oo islamarkaana tageen xaruntooda ku dhow Madaxtooyada Puntland.

Agaasimaha Guud ayaa meesha ka saaray in dawadaas loo adeegsaday ololihii lagu daweynayay xoolaha, balse ay gubeen.

Dawadan oo lagu magacaabo TYLOVET, ayaa dhacday 12 December, 2015.

Wararka warsidaha GO helay ayaa sheegaya in dawadaan la ogaaday xilli lagu jiray tallaalka taasoo surtagal tahay in  la isticmaalay mudadii daweyntu socotay.

Qaar kamid ah dadka reer Miyiga ah ee ku sugnaa gobollada dadku isugu hayaameen ayaa cadeeyay in jirrooyin kala duwan soo wajaheen xoolahooda.

Arrintan ayaa ah masiibo qaran hadii dowladdu isticmaashay dawo dhacday, taasoo caddayn u ah sida hay'adda xukuumadda Puntland aysan u ilaalin tiirarka asaaska u ah jiritaanka shacabka.

Dadka Somaliyeed ayaa ku tiirsan xoolaha nool sida Hilibkooda, Caanahooda iyagoo sidoo kale u iib-geeya suuqyada magaalooyinka Puntland.

Dhacdadan ayaa dowladdu qarisay islamarkaana ma aysan gayn warbaahinta goobta lagu gubay dawadan, taasna waxay tuhun galinaysaa hadalka Agaasimaha ee ah in dawadaas lasoo celiyay oo lagu gubay.

Tallaabadan ayaa imaanaysan xilli xoolo badan ku le'deen abaaraha ka jira Somalia halka kuwo kale baqtiyeen mudadii lagu guda jiray safarka fog ee dadkaas ugu hayaamayeen Bariga Puntland.

Wararka dawadan qaybinteeda ku saabsan ayaa sheegay in dhacdadan loo gudbiyay Madaxweyne Gaas walow uusan jirin wax tallaabo ah oo laga qaaday dadkii ku lug lahaa in dawadan ka baxdo xafiiska kaydka dawooyinka wasaaradda.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM

Puntland oo qaadacdey shirka uu iclaamiyay Xasan Sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa 21-ka ilaa 22-ka bishan April u mudeeyay in uu qabsoomo shir madaxeedkan.

  • Puntland

    17-04-2024

  • 06:28AM