Cali Khaliif Gallayr oo Hargaysa ka dhoofay

Image

HARGAYSA, Somaliland- Madaxweynaha Khaatumo Cali Khaliif Gallayr ayaa maanta ka duulay magaalada Hargaysa caasumadda Somaliland kadib markii loo diiday inuu ka baxo garoon ku yaalla degmada Buuhoodle ee gobolka Cayn maalintii shalay.

Tallaabadaas ayaa keentay in Gallayr uu tago Hargaysa si uu ugasii ambabaxo dalka Jabuuti.

Socdaalka ayaa la xiriira wada-hadal u dhaxeeya Khaatumo iyo Somaliland oo ka dhaci doona dalka Jabuti.

Labada dhinac ayaa horay ugu kulmay magaalada Addis iyagoo kawada xaajoonaya sidii maamulka Khaatumo loogu qancin lahaa inay hoos timaado xukuumadda Hargaysa.

Ciidamo Beeleed ku sugan Buuhoodle ayaa u sheegay Cali Khaliif Galeyr in uusan ka qeyb gali karin Wadahadallada Jabuuti.

Nin lagu magacaabo Cabdifataax Baydan ayaa hogaaminayay ciidamada is-hortaagay safarka Gallayr iyagoo sheegay inuusan matali karin masiirka dadka gobolladaas daga.

Majirto ilaa hadda wax war ah oo kasoo baxay dhinaca Cali Khaliif Gallayr.

Duubabka dhaqanka gobolladaas Sool, Sanaag iyo Cayn ayaa horay u diiday wada hadallada u socda labada dhinac iyagoo xusay in shaksiyaad gooni ah af-duuban karin rabitaanka shacabka.

Balse qayb kamid ah duubabkaas oo la shiray Somaliland ayaa la gaaray hishiisyo kala duwan oo qayb ka ahaa inay bilowdaan kuwa ay la leeyihiin Gallayr.

Gobollladaas ayaa kuwo muran xooggan ka taagnaa tan iyo bur-burkii dowladda dhexe ee Somalia, waxaana maamulkooda isku haya Somaliland iyo Puntland, halka Khaatumo laftigeedu sheegato deegaanada qaybtood.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM