Culimada Soomaaliyeed oo Bayaan kasoo saaray Koox diimeed Masar looga dhawaaqay

Image

MUQDISHU, Somalia- Hay’adda ay ku midaysanyihiin culimada Somaliyeed ee fadhigeedu yahay magaalada Muqdishu, ayaa maanta war kasoo saaray koox-diimeed 5-tii bishan looga dhawaaqay dalka Masar oo lagu magacaabo al-Saaciduuna bil Xaq.

Culimada oo kulan ku yeeshay magaalada Muqdishu, ayaa sheegay in kooxdaas ay wado fikir lagu gaalaysiinayo umadda islaamka  ah, waxayna u nisbeeyeen ururkii Tafkiirka la oran jire ee Lixdameeyadii kasoo baxay Masar.

Bayaan shirkaas kasoo baxay ayay sidoo kale looga digay umadda Islaamka ah inay qaataan fikirka kooxdan oo la sheegay inuu ku salaysanyahay afkaar khaldan iyo sunnaha Nabiga oo si qalloocan loo adeegsanayo.

Waxay sidoo kale ugu baaqeen kooxdan inay kasoo laabato fikirkaas oo ay u tooban keenaan ALLE Subxaanahu-Watacaalaa.

Qoraalkaas ayaa sidoo kale culimada Somaliyeed lagu faray inay ka shaqeeyaan sidii shacabka looga digi lahaa inay qaataan mabda’an.

Khudbadihii laga jeediyay Masaajidda dalka Somalia ayaa aad looga hadlay arrintan oo la sheegay inay tahay bur-bur hor leh iyo kala qaybin lagu samaynayo dadka Islaamka ah, waxaana bulshada loogu baaqay inay ka fogaadaan qaadashada fikirkan.

Bayaanka Culimada Somaliyeed ayaa kusoo beegmay xilli kooxdan laga taageeray deegaanada Somalida gaar ahaan Puntland iyo Somaliland, kadib war-saxaafadeedyo ay soo saareen rag sheegaya inay qaateen baaq kasoo baxay ururkan looga dhawaaqay Masar todobaadkii hore.

GAROWEONLINE

Related Articles

Midowga Yurub oo ansixiyey $116.9 milyan loogu talagalay Soomaaliya

Qeyb kamid ah lacagtan ayaa waxaa la sheegay in ay heli doonan ciidamadda ATMIS.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 10:11AM

Soomaaliya oo 3-heshiis la saxiixatay dowladda Tansaaniya

Labada dhinac ayaa saxiixay heshiis ay iskaga kaashanayaan Dalxiiska.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 08:36AM