​Cumar Cabdirashiid "Arrinta badda waa la marin-habaabiyay" [Daawo]

Image

GAROWE, Puntland- Ra'isal wasaaraha xilku ka dhammaday Cumar Cabdirashiid Cali Sharmake, ayaa mar kale ka hadlay muran ka taagan badda ee u dhaxaysa Somalia iyo Kenya, kaasoo kiiskiisu ka socdo waddanka Holland.

Mudane Sharmake, oo warbaahinta kula hadlay magaalada Garowe, ayaa dooda iyo hadalka ka taagan hishiiskii ay saxiixday xukuumaddii jirtay sannadkii 2009 ku macneeyay mid la marin habaabiyay islamarkaana loo dhigay qaab aan ahayn midkii ay la gaareen dalka Kenya.

Wuxuu sheegay inaysan saxiixin islamarkaana iibin Bad Somaliyeed, hase ahaateen ay wada gaareen labada dhinac is-afgarad ku salaysan Qalfoofka badda, wuxuuna tallaabadaas ku sifeeyay mid lagu ballaarinayay biyaha Somalia, isagoo xusay in tallaabadaas xukuumadda Somalia ka taageeraysay dowladda Norway.

Dowladda Kenya ayaa ku eedeeyay inay is-afgaradkii lala saxiixday u dhigtay dhinac kale, isagoo dhinaca kale ammaanay dadaalka qareenada u doodaya dalka Somalia, wuxuuna rajo wanaagsan ka muujiyay inay ku guulaystaan dooodaas.

Ra'isal wasaare Cumar, ayaa sidoo kale doodaha socda ku sifeeyay mid laga leeyahay dano siyaasadeed islamarkaana rag murashaxiin ah ku doonayaan inay loollan doorasho ka dhigtaan sida uu hadalka u dhigay.

Wuxuu barnaamijka MOU ee ay saxiixday xukuumaddiisii ku sifeeyay mid dhul ballaaran oo khayraad ku jiro usoo hoyiyay dalka Somalia, isagoo ballan qaaday inaysan raali ka noqon doonin in taako kamid ah dhulka Somaliyeed la qaato.

Sharmake, ayaa sidoo kale xusay in xukuumaddii uu hadda Ra'isal wasaaraha u ahaa ka shaqaysay in maxkamadda Hegue la tago islamarkaana la abuuro doodda lagu difaacayo badda Somalia, wuxuuna wax laga xumaado ku tilmaamay in xilli midnimo loo baahnaa la abuuro khilaaf iyo kala aragti duwanaan.

Mar la weydiiyay sababta hadda loogu soo beegay ka hadalka arrintan ayuu sheegay inay doonayn ka hordhicidda maxkaamdda, laakiin la sugayeen waqtigeeda oo hadda ah sida uu hadalka u dhigay.

Mudane, CCC oo kamid ah ragga gundhigga looga dhigayo in is-afgaradka badda Somalia lagu bixiyay saxiixeen, ayaa hadalkiisu kusoo aaday xilli maalinta barri ah lasoo gunaanadayo doodda u dhaxaysa Somalia iyo Kenya, iyadoo maxkamadda Cadaaladda Adduunka ee ICJ go'aan ka gaari doonto arrinta Badda Somalia.

Dhinaca kale wuxuu hadalkiisu kusoo aaday xilli maalmihii ugu dambeeyay murashaxiin kala duwan toosh ku ifinayeen Sheekh Shariif, Cumar Cabdirashiid iyo qaar kamid ah xukuumaddiisii kuwaasoo lagu eedeeyay inay ahaayeen maskaxdii ka dambaysan qorshaha Kenya ku doonayso biyaha Somalia, taasoo culays saartay ololihiisa doorashada, maadama uu doonayo inuu noqdo madaxweyne Somaliyeed.

GAROWEONLINE

Related Articles

XOG : Maxaa Keenay Dib U Dhaca Kulanka Madaxda Soomaaliya?

Casumaadda degdega ah ee kulanka ayaa timi kadib markii warsidaha…

  • Soomaliya

    20-04-2024

  • 02:40AM

Midowga Yurub oo ansixiyey $116.9 milyan loogu talagalay Soomaaliya

Qeyb kamid ah lacagtan ayaa waxaa la sheegay in ay heli doonan ciidamadda ATMIS.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 10:11AM