Dadkii Somaliyeed ee lagu duqeeyay dalka Yemen oo maanta la Aasay [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

SANCA, Yemen- Qunsuliyadda Soomaaliya magaalada Cadan ee dalka Yaman ayaa maanta xaqiijisay ay ku Guuleystay in la aaso Meydadka 31 qof oo muwaadiniin Soomaaliyeed ah, kuwaas oo 17 Marso 2017 lagu Duqeeyay Doon ay la socdeen.

Qunsulka Soomaaliya ee magaalada Cadan Mudane Axmed Cabdi Xasan Axmed Suudaani Oo isagoo ku sugan magaalada Cadan la hadlay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee SONNA ayaa sheegay dadaal dheer ah kadib ay ugu dambeyn maanta dowladda Soomaaliya u suurta gashay in la Aaso Meeydadka muwaadiniinta Soomaaliyeed ee lagu Laayay Dalka Yaman, iyadoo Sidoo kalana Xabsiyada ay ka sii daayeen 115 qof oo isugu jira caruur, haween iyo rag oo ka badbaaday duqeyntaasi, kuwaa oo qaarkood qaba dhaawacyo kasoo gaaray weerarkaasi.

“waxaan kula socodsiinayaa in ilaahay mahadii aanu ku guulaysanay aaska qaxootigii Soomaaliyeed ee lagu laayey doonta 17 Marso 2017, dadaalo aan kala go` lahayn iyo xiriiro joogta ah kadib waxaan noo suurto gashay aaskooda, oo runtii wel wel iyo welbahaan iyo xanuunba ku hayey madaxda qaranka, ehellada iyo qaraabda ay dadkaas ka dhinteen oo tiro ahaan gaaraysa 31 ruux oo isugu jira rag iyo dumar” ayuu yiri Mudane Axmed Suudaani.

Qunsulika Guud Ee Dowladda Soomaaliya u fadhigay Magaalada Cadan Oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “waxay ahayn arin aad u adag  waayo halka dhib ku ka dhacay waa deegaan ay ka taliyaan Xuutiyiinta iyo Maleeshiyaadka daacadda u ah Madaxweynihii hore ee Yemen Cali Cabdalla Saalax, mana jirin cid xaga dhaqaalaha naga kaalmaysay waxaan wax ku wadnay waxay ahayd  xiriir aan u lahayn madaxda deegamadaas, hay`adaha dowlig ah ee wali ka howlgala dalka Yemen iyo naf la dirir iyo deymo. waxaana mahad mudan dhamaan intii nagala shaqaysay arinkaas xanuunka badn  oo ay ugu horreeyaan madaxda qaranka, hay`adda ICRC iyo madaxda jaaliyada Soomaaliyeed ee Magaalada Sanca, gudiga qaxootiga iyo warbaahinta”

Ugu dambeyntii Qunsulka Soomaaliya ee Magaalada Cadan Mudane Axmed Cabdi Xasan ayaa sheegay in magaalada Sanca la geeyey 115-ta Qof ee laga soo daayay xabsiyada si loogu sameeyo baaritaan caafimaad iyo inay ka soo kabtaan dhibaatadii xabsiga mudada dheer ee ay ku jireen,

Wuxuuna xusan in madaxda hay’adda IOM ee Caden iyo dowladda Soomaaliya ay ka wada shaqayaan sidii todobaadka nasoo aadan loogu soo celin lahaa dalka Soomaaliya.

SONNA

Related Articles

Midowga Yurub oo ansixiyey $116.9 milyan loogu talagalay Soomaaliya

Qeyb kamid ah lacagtan ayaa waxaa la sheegay in ay heli doonan ciidamadda ATMIS.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 10:11AM

Soomaaliya oo 3-heshiis la saxiixatay dowladda Tansaaniya

Labada dhinac ayaa saxiixay heshiis ay iskaga kaashanayaan Dalxiiska.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 08:36AM