Diyaaradda Turkish Airlines oo kasoo degtay Muqdishu

Image

MUQDISHU, Somalia - Diyaaradda Turkish Airlines, ayaa maanta kasoo degtay Garoonka Muqdishu, kadib markii dhowr jeer hore u suuro gali wayday inay soo cago dhigato madaarka sabab la xiriira dabeylo xooggan oo ka jira hawada Magaalada.

Diyaaradda oo siday Rakaabka ayaa saaka si caadi ah ugu degtay Garoonka Aadan Cadde, xilli jawiga uu deganaa, waxaana la filayaa in ay ka qaado dad badan oo ku qoran duulimaadkii baaqday shalay.

Waxay kasoo duushay saaka magaalada Mombasa ee dalka Kenya, halkaasi oo shalay lagu dejiyay, markii ay ka laabatay Muqdishu.

Turkish Airlines oo ah diyaaradda ugu weyn ee ka degta Garoonka Muqdishu, ayaa waxay ka timaadaa dhanka Badda, casbi laga qabo in hawada Muqdishu khatar amni uga timaado.

Saraakiisha Garoonka waxay sheegeen in Diyaaradda dhankii ay kasoo degi jirtay oo Badda ah, ay ka jiraan dabeylo xooggan, oo ku kalifay inay dib u laabato mudo saddex jeer labo Todobaad gudahooda.

Turkish Airlines oo ka shaqo billowday Somalia 2012, ayaa samaysa Duulimaad Toos ah oo Isku xiraya dalka iyo Qaaradda Yurub, waxaana meesha ay ka saartey dhibatadii ahayd in la maro dhowr dal.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM

Shanta ajande uu Xasan Sheekh doonayo in baarlamaanka u ansixiyo

Labo kamid ah qodobadan ayaa la sheegay in madaxweynaha uusan gorgortan ka geli doonin.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 06:43AM