Dowlada Federaalka Somalia oo daabaceysa lacag cusub

Image

Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in ay soo daabeceyso lacag cusub oo naqshad cusub leh.

Lacagtan cusub waxay noqoneysaa middii ugu horeysay tan iyo markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya. Waxaa la sheegaa in Muddaddii burburka, dalka Soomaaliya la geliyay lacag been abuur ah oo dad kala duwan ay daabeceen. 

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in lacagta hadda la isticmaalo "dhammaanteed ay tahay been abuur, suuqana ay laga saari doono." 

Soomaaliya ayaa hadda si weyn looga isticmaalaa dollarka oo sababay sicir barar. Sanado badan, shilinka Soomaaaliga wuu sabeynayay, taas oo ay ka dhalatay dagaallada dalka ka jiray iyo lacagta oo cidini aysan maamulin.  

Markii ay dowladdii dhexe meesha ka baxday, qiimaha shilinka Soomaaliga ayaa aad hoos ugu dhacay. 

Dadka dhaqaalaha ku taqasusay waxay sheegayaan in "ururo iyo maamul goboleedyo ay daabeceen lacag been abuur ah oo hadda suuqyada laga isticmaalo". 

Dowladda Soomaaliya oo taasi sabab uga dhigeyso, ayaa hadda qorsheyneysa in ay bedesho qaabka ay hadda u egtahay shilinka Soomaaliga. 

Dowladda ayaa daabacaadda lacagta cusub la kaashaneysa hay'adda lacagta adduunka ee IMF. 

Waxaa la filayaa in 60 milyan oo dollar ay ku baxdo daabicidda lacagta cusub, ayna diyaar noqon doonto ugu dambeyn dhammaaadka sanadkan.

Maxamed Ibraahim Farageedi oo ah wasiirka maaaliyadda, ayaa sheegay in lacagta cusub ay la mid noqondoonto lacagaha kale ee caalamigaa ah. 

"Lacagta cusub waxay u la mid noqon doonaa kuwa caalamka intiisa kale laga isticmaalo oo aan la been abuuri karin. Waxay yeelan doonaa waxyaabaha amni ah". Wuxuu intaa ku daray "naqshadda lacagtan iyo muuqaalkeeda gebi ahaanba wuu ka duwanaan doonaa midda hadda suuqa ku jirta ee la isticmaalo". 

Caqabadaha dowladda ay wajeheyso waxaa ka mid ah sida loo kala saari karo midda been abuurka ah iyo tan runta ah, marka ay gaarto in dadka loo bedelo, maadaama bangiyo badan aysan dalka Soomaaliya ku oollin. 

Waxaa kaloo caqabad ah sida loo kala bedelanayo lacaagta cusub iyo midda hadda la adeegsado. 

"Waxaa jiridoono xarumo gaar ah oo loogu talagalay in dadka loogu bedelo lacagtooda si ay u helaan midda cusub", ayuu yiri wasiirka maaliyadda, Maxamed Ibraahim. 

Dowladdi, marka hore waxay doonaysaa in ay ka shaqeeyso sidii amniga loo sugi lahaa, Sida wasiirka uu sheegay. 

Waxaana la filayaa in lacagta cusub ay gacan ka geysato sidii loo xakameyn lahaa sicir bararka.

BBC

Related Articles

Midowga Yurub oo ansixiyey $116.9 milyan loogu talagalay Soomaaliya

Qeyb kamid ah lacagtan ayaa waxaa la sheegay in ay heli doonan ciidamadda ATMIS.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 10:11AM

Soomaaliya oo 3-heshiis la saxiixatay dowladda Tansaaniya

Labada dhinac ayaa saxiixay heshiis ay iskaga kaashanayaan Dalxiiska.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 08:36AM