Faah faahin: ​Soomaali lagu laayay dalka Ethiopia

Image

HERAR- Mas’uuliyiin katirsan ismaamulka Soomaalida Ethiopia, ayaa xaqiijiyay in deegaanka Hawadaay ee ku yaalla Bariga dalka Ethiopia lagu laayay boqolaal Soomali ah kadib ismaan dhaaf dhexmaray Qowmiyadda Oromada iyo shacabka Soomaalida ee halkaas ka ganacsada.

Dilalkan oo badankoodu dhaceen habeen hore ayaa daba socday rabshado dhexmaray shacabka labada dhinac, waxaana arrintaas siyaabo kala duwan uga hadlay mas’uuliyiinta maamullada Oromada iyo Soomaalida Ethiopia.

Wasiirka Dhalinyarada iyo Cayaaraha sidoo kalena ah la taliyaha Madaxweynaha ee dhinaca Saxaafadda Maxamed Bile Miig, ayaa carrabka ku dhuftay in deegaankaas oo aad loogu iibiyo Qaadka loo yaqaano Hawadaayga lagu laayay dad aan waxba galabsan oo isugu jira, haween, carruur iyo ganacsato.

"Dhimasho aad u farobadan ayaa jirta, boqolaal ayay gaarayaan dadka dhintay, hanti badana waa ay ku burburtay, maadaamaa waxa shaqadan fulinaya uu ciidan yahay, dad badan ayaa ku naf waayay," Ayuu yiri wasiir Maxamed Bille.

Miig ayaa xusay in dhibka ugu badan ay gaysteen ciidamada Booliiska Qowmiyadda Oromiya.

"Waxaa markasta weerarada soo qaadaya waa ciidamada booliiska Oromiya, meelaha aan xuduudaha ka leenahay shacabka degan ayay kusoo qaadaan, iyada oo dadka shacabka ee Soomaalida ah ee halkaas degen ay yihiin dad nabadgelyada jecel, waxayna soo weeraraan iyaga oo qaabaysan oo nidaam dowlad ku socda, dad badan ayaana ku naf waayay, dad kalana waa la barokiciyay".

Miig ayaa sidoo kale intaas ku daray in Qaadka loo yaqaano Hawadaayga oo Soomaalidu aad u isticmaasho la sumeeyay islamarkaana lagu buufiyay kiimiko halis ah taasoo waxyeello u gaysanaysa Taranka iyo Beerka.

“Waxaan Soomalida u sheegayaa in Qaadka Hawadaayga aysan isticmaalin, sun ayay ku buufiyeen muddo yar ayuu qofku nolaanayaa beerka ayaa eber noqonaya, kii dhimasho ka bad-baada waxba kuma noolaanayo oo Tarankiisa eber ayuu noqonayaa,” Sidaaas waxaa TV-ga Universal ka sheegay Wasiir Miig oo intaas ku daray, “Dad ayaa hadda arrintaas darteed u jiifa cusbitaallada.”

Waxaa dhinaca kale eedayntaas ka hadashay maamulka Qowmiyadda Oromada kuwaasoo sheegay in ciidamada Liyuu Booliska ee dawlad deegaanka Soomaalidu inay dad ka dileen, hase ahaate afhayeen u hadlay ciidamadaasi ayaa laanta afka Oromada ee VOA-da u sheegay inay arrintaasi wax ka jirin.

Arrintan ayaa saamayn ku yeelatay ganacsiga Qaadka ee maamulka Soomaaliland, waxaana labadii maalin ee ugu dambeeyay xirnaa suuqyada lagu iibiyo maandooriyahaaas.

Sidoo kale waxay cabsi ku abuurto Oromo badan oo ku nool gudaha waddanka Soomaaliya kuwaasoo ka cabsi ka qaba inay waxyeello kasoo gaarto dad ka caraysan dhibkii halkaas ka dhacay.

Sidoo kale Askari katirsan Booliiska Soomaliland ayaa xalay Barkantarool oo ku taalla inta u dhaxaysa Hargaysa iyo Arabsiyo ku dilay labo qof oo Oromo ah halka uu dhaawacay mid kale. Dowladda ayaa sheegtay in ninkaas gacanta lagu hayo oo baaritaan lagu samayn doono, inkastoo warar aan la xaqiijin sheegayaan in askarigaas ka xumaaday xasuuqa ka dhacay deegaanka Hawadaay ee xadka Soomalida Ethiopia iyo Oromada.

Majirto ilo madax bannaan oo xaqiijin kara khasaaraha rabshadaas, balse waxaa la cadeeyay in dadkii Soomaalida ah ee mashaqadaas ku dhintay lagu aasay magaalada Jig Jiga. Warar ayaase xusaya in 32 lagu qof oo Soomaali ah la dilay.

Muddooyinkii dambe Oromada dalka Ethiopia ayaa waday kacdoon ka dhan ah hoogaanka talada haya iyo dhul ay ku doodeen in laga qaaday.

GAROWEONLINE

Related Articles

XOG : Maxaa Keenay Dib U Dhaca Kulanka Madaxda Soomaaliya?

Casumaadda degdega ah ee kulanka ayaa timi kadib markii warsidaha…

  • Soomaliya

    20-04-2024

  • 02:40AM

Midowga Yurub oo ansixiyey $116.9 milyan loogu talagalay Soomaaliya

Qeyb kamid ah lacagtan ayaa waxaa la sheegay in ay heli doonan ciidamadda ATMIS.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 10:11AM