​Farmaajo: Boqol Kun oo Dollar ayaan siinayaa qofkii qarax sheega [DHAGEYSO]

Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHU, Somalia - Madaxweynaha Somalia Maxa'ed Cabdullaahi Farmaajo ayaa $100,000 (Boqol Kun oo Doolar), u balanqaaday qofkii dowladda siiya xog ku saabsan goob lagu diyaarinayo Qarax gaari.

"Qofkii noo soo sheego xog ku saabsan meel lagu diyaarinayo qarax, ama gaari lagu soo xiray walxaha qarxa, waxaan u balan-qaadayaa lacag dhanka $100,000, oo abaalmarin ah," Ayuu yiri Mr Farmaajo.

Wuxuu ballan-qaaday inay si gooni ah ula socon doonaan xaaladda dadka lagu dhaawaco qaraxyada iyo kuwa ehelkooda lagu dilo isagoo ka codsaday laamaha amniga inay feejignaan dheeri ah sameeyaan si loo bad-baadiyo shacabka Somaliyeed.

Kooxaha dagaalka wada ayuu ku sifeeyay "Horor" daadinaya dhiigga umadda Somaliyeed isagoo ballan-qaaday in dowladdiisu ilaalin doono islamarkaana markasta u howlgali doono si loo bad-baadiyo bulshada.

Isagoo warbaahinta kula hadlayay Isbitaalka Madiina, oo uu ku booqday xalay dhaawacyada qaraxii shalay ka dhacay Suuqa Kaawo-godey, ee degmada Wadajir ayaa ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Kooxda Al shabaab.

"Ciidamada qalabka sida way howlgali doonaan maalmaha soo socdo, waxaana u diyaargabroobeen qolyahan horarka, ee cidna u aabo yeelaynin ah sidii la isaga celin lahaa," Ayuu yiri Farmaajo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in sanadkii tagey ee 2016 ay Al shabaab dishay 900 oo Shacab Soomaaliyeed ah, kuwaasi oo intooda badan lagu dilay qaraxyadii ka dhacay magaalada Muqdishu.

Mudane Farmaajo ayaa shacabka ka codsaday wada-shaqeyn dhab ah, si looga hortago weerarada Al shabaab, isagoo dhanka kale ugu baaqay laamaha amniga dalka inay feejignaadaan.

Qaraxii shalay ka dhacay Muqdishu ayaa ahaa kii ugu horeeyay tan iyo markii Farmaajo loo doortay Madaxweynaha Somalia 8-da Bishan, iyadoo ay jireen dagaallo iyo dilal kala duwan oo Saraakiil lagu dilay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Soomaaliya iyo Turkiga oo dhaqan-geliyay heshiis dhanka difaaca ah

Madaxwayne Xasan Sheekh ayaa ka qeybgalay munaasabada lagu soo bandhigay fulinta heshiiskan.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 04:20PM

Turkiga oo markab dagaal weyn usoo diray xeebaha Soomaaliya

Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu waddaa inuu ka qeybgalo xafladda soo dhaweynta markabka.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 05:42AM