Farmaajo oo codsi u jeediyay AMISOM iyo Al Shabaab oo goodisay

Image

MUQDISHU, Somalia - Madaxweynaha cusub ee Somalia Maxa'ed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka dalbaday Taliska ciidamada AMISOM in 2 sano gudahooda kusoo afjaraan dagaalka ka dhanka ah Al shabaab.

Madaxweyne Farmaajo ayaa hadalkan ka sheegay Kulan uu Villa Somalia kula yeeshay Taliyaasha AMISOM, Wakiilka Midowga Africa Francisco Madeira  iyo Safiirrada dalalka ciidamadoodu joogaan Somalia.

Mudane Farmaajo wuxuu sheegay in qorshaha dowladiisu uu yahay in labada sano ee soo socoto, lagu soo afjaro dagaalka daba-dheeraaday, ee lagula jiro Kooxda Al shabaab.

"Waxaan doonayaa in Labada sano ee soo aadan lasoo afjaro dagaalka ka dhanka ah Al shabaab, si dalka Nabad iyo xasilooni loogu soo dabaalo," Ayuu yiri Mudane Farmaajo oo ka hadlayay Shirka Villa Somalia.

Kulanka amniga looga hadlayay, waxaa ka qeybgalay Wakiilka Midowga Africa Francisco Madeira; Safiirka Kenya Retired Maj. Gen. Lucas Tumbo; Safiirka Djibouti Aden Hasan Aden; ku xigeenka Safiirka Ethiopia Jamaludin Mustafa Omar iyo Xogyahaha kowaad ee Safaarada Uganda ee Muqdishu, Sheikh Muhindo Alamin, iyo Saraakiisha ciidanka AMISOM.

AMISOM ayaa timid Somalia 2007, waxaana uu howlgalkooda jirsaday 10 sano, iyadoo wali dalka guud ahaan ka saarin Kooxda Al shabaab, oo hadda gacanta ku hayso gobollo badan oo kamid ah dalka.

Dhinaca kale kooxda Al Shabaab ayaa wacad ku martay inay dagaal adag la gali doonaan dowladda uu hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo, xilli ay ka hadlayeen sida ay u arkaan guusha uu kasoo hoyiya doorashadii dhacday 08 Febraayo 2017.

Sheekh Xasan Yacquub ayaa sheegay in dowladda Farmaajo aanay waxba uga duwanayn Al Shabaab midii Xasan Sheekh, sidaasi darteedna ay la dagaalami doonaan iyada iyo kuwa ka dambeeyo.

Wuxuu sheegay Horjooge Xasan Yacquub in Farmaajo uu yahay Muwaadin Mareykanka ah, kana qatar badan Xasan Sheekh, marka loo eego u adeegista danaha dowladaha shisheeye ay la leeyihiin Somalia.

Sheekh Xasan Yacquub wuxuu kaloo tilmaamay in Farmaajo uu ogolaaday inay AMISOM dalka sii joogto, isagoo ku amaanay inay yihiin ciidamo wax badan u qabtay dalka, oo baal dahabi ah ka galay Taariikhda.

Dhanka kale, Horjooge Xasan Yacquub wuxuu ugu baaqay shacabka inay ka digtoonaadaan la shaqeynta iyo taageerida Farmaajo iyo dowladiisa, uu uu ku tilmaamay inay tahay Cadow lasoo adeegsaday.

Hadalka Xasan Yacquub wuxu daba-scodaa mid todobaad kahor ay degmada Jilib ka jeediyeen horjoogiyaal kale oo katirsan Al Shabaab kuwaasi oo ku goodiyay inay la dagaalamayaan Farmaajo.

Kooxda Al shabaab ayaa dhawaan kusoo bandhigtay degmada Jilib, ee gobolka Jubbada dhexe 800 oo dagaalyahan, kuwaasi oo ay sheegtay inay u tababareen la-dagaalanka dowlada cusub ee Soomaaliya.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM

Shanta ajande uu Xasan Sheekh doonayo in baarlamaanka u ansixiyo

Labo kamid ah qodobadan ayaa la sheegay in madaxweynaha uusan gorgortan ka geli doonin.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 06:43AM