​Galmudug oo cayrisay xubin kamid ah Guddiga doorashooyinka [Akhriso]

Image

CADADAO, Somalia- Maamulka Galmudug ayaa ka cayriyay Cadaado Madaxa Wakiillada Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashada dalka, kaasi oo ay ku eedeeyeen inuu ku kacay arrimo ka baxsan Shaqadiisa.

Galmudug ayaa sheegtay in Mas'uulkaasi uu sameeyay Iska-horimaad iyo qalalaaso ka dhex abuuray Bulshada iyo Beelaha ka qeybgalaya Doorashada Aqalka Hoose ee ka socoto magaalada Cadaado.

War Saxaafadeed uu ku saxiixan yahay Madaxweyne Cabdikariim Xuseen Guuled ayaa looga dalbaday Guddoomiyaha Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka inuu kala laabto xubintaas, kuna bedelo qof cusub.

Safiirka  Mareykanka ee Somalia ayaa dhawaan Doorashada Galmudug ku tilmaamay mid ay ka jiraan Musuq-maasuq , Handadaad,  Cod-gadasho iyo sed-bursi lagu sameeyay Beelaha qaar, oo Ergdooda la bedalay.

Tallaabadan kama aysan hadlin ilaa hadda Guddiga doorashooyinka dadban ee heer Federaal.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM

Shanta ajande uu Xasan Sheekh doonayo in baarlamaanka u ansixiyo

Labo kamid ah qodobadan ayaa la sheegay in madaxweynaha uusan gorgortan ka geli doonin.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 06:43AM