​Gudoomiyaha Maxkamadda Sare oo Garsoorayaal shaqada ka eryay

Image

MUQDISHU, Somalia - Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somalia, Ibraahim Ciidle Suleymaan ayaa Shaqadii ka joojiyay 18 Garsoore, kuwaasi oo ka howlagalayay Maxkamado ku yaalla Muqdishu.

Wareegto kasoo baxday maanta oo Talaado ah Xafiiska Gudoomiyaha, ayaa lagu shaaciyay go'aanka shaqada looga fariisiyay Garsooriyaashan oo ka tirsanaa Hay’addaha Garsoorka dalka.

Garsooriyaasha la eryay waxaa kamid ah 6 Garsoore oo Xeer Madaxweyn ku magacawnaa, sida Gudoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir, Guddoomiyeyaasha Maxkamadaha Degmooyinka Cabdi casiis, Xamar Jajab iyo 3 Garsoore oo ka hawlgala Maxkamadda Gobolka.

Shaqo-joojinta waxay sidoo kale saameysay Saddex Garsoore oo ka tirsan Maxkamadda Racfaanka Gobolka, Guddoomiyaasha maxkamadaha degmooyinka Shangaani, Yaaqshiid, Dharkeynley, Xamarweyne, Dayniile iyo 4 Garsoore oo ka tirsan maxkamadaha degmooyinka Xamar Jajab, Dayniile, Yaaqshid iyo Dharkeynley.

Wareegtada laguma sheegin sababta shaqada looga joojiyay 18-ka Garsoore, balse waxa uu go'aankan imaanayaa xilli cawasho xooggan ay shacabka ka keeneen Cadaalad darrada ka jirta Garsoorka dalka, oo uu hareeyay Musuq-maasuq iyo Nin jeclaysi.

GAROWEONLINE

Related Articles

Baarlamaanka Soomaaliya oo doodii ugu dambeysay ka yeeshay Dastuurka

Ajanadaha kulanka maanta ayaa ahaa dib-u-eegista dastuurka marxalada 3-aad.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 11:23AM

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM