Gudoomiye ku xigeenka Bangiga dhexe ee Somalia oo lug yeelatey lacag la dhunsadey

Image

MUQDISHU, Somalia- Garsooraha maxkamada racfaanka gobolka Banaadir Mukhtar Nur Abukar ayaa sheegey in lacag agaasimaha laanta Bangiga dhexe ee dekada magaalada Muqdishu 9/06/2015 dhunsadey ku lug leedahay.

Garsooraha Maxkamada rafcaanka ayaa sheegey in Khasnada  dekada oo xumaatey darteed ninka la yiraahdo Amin Cabdulqadir Amiin oo ah khasnajiga bangiga dhexe ee dekada Muqdishu uu lacagtaas ku wareejiyey agaasimaha laanta Bangiga ee dekada Cabdi Maxamad Abukar Dhiileey.

Mukhtar Nur Abukar oo ah garsooraha Maxkamada Rafcaanka gobolka Banaadir ayaa sheegey in Amiin Cabdulqaadir inta uusan wareejin lacagta la hadlay Gudoomiye ku xigeenka bangiga dhexe ee Somalia Maryan Macalin oo qaraabo Hoose yihiin agaaismaha laanta Bangiga dhexe ee dekada iyadoo fasaxdey in lacataas lagu wareejiyo ninkaan inta laga hagaajinayo khasnada bangiga. 

"Khasnajiga laanta Bangiga dhexe ee dekada Amiin inta uusan lacagtaan ku wareejin agaasimaha laanta bangiga dhexe ee dekada waxaa uu taleefan kula hadlay Gudoomiye ku xigeenka Bangiga dhexe Maryan Macalin oo qaraabo Hoose yihiin  Cabdi Maxamad Abukar Dhiileey Islamarkana ay shaqada gaysey markiisii hore waxayna amartey in loo dhiibo." ayuu yiri garaooraha maxkamada Racfaanka gobolka Banaadir.

Agaasimaha laanta oo dhunsadey lacagtaan isagoo xusey in uu guri ku iibsadey ayaa sheegey inuu tartiib igu celinayo khasnada dowlada isaga oo ilaa iminka sameeya sidaan.

Dhinaca kale Gudoomiye ku xigeenka Bangiga dhexe ee Somalia Maryan Macalin ayaa amar ku siisey khasnajiga bangiga dhexe laantiisa dekada inuu aqbalo soo jeedinta agaasimaha laanta ee Bangiga. 

Hantidhowrka guud oo dhowaan baaaris ku sameeyey lacagtaan la dhunsadey 2015 ayaa khasnada ka waayey lacag gaareysa 48000 USD taasoo weli ku maqan agaasimaha laanta bangiga dhexe ee dekada.

Khasnajiga bangiga dhexe laanta dekada Amiin Cabdulqaadir Amin oo la waydiiyey halka ay lacagtaan ku maqantahay ayaa sheegey in amar gudoomiye ku xigeenka bangiga dhexe bixisay islamarkaana uu qoraal uu ka hayo lacagtaan lagu wareejiyey agaasimaha laanta Cabdi Maxamad Abukar Dhiileey.

Warka xadista lacagtaan oo saxaafada ka war heshay dhowaan ayaa yimid kadib markii hantidhowrka guud amar ku baxshey in lasoo xiro agaasimaha laanta bangiga dhexe ee dekada Muqdiahu.

Dowlada Xasan Shiikh oo horey loogu eedeyey musuqmaasuq iyo isdabamarin ayaa maalmihii ugu dambeyey waxaaa soo baxayey warar ah lacago laga xadayo khasnada bangiga dhexe.

AKHRI WAR LA XIRIIRA LACAGTAN

GAROWEONLINE 

Related Articles

Midowga Yurub oo ansixiyey $116.9 milyan loogu talagalay Soomaaliya

Qeyb kamid ah lacagtan ayaa waxaa la sheegay in ay heli doonan ciidamadda ATMIS.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 10:11AM

Soomaaliya oo 3-heshiis la saxiixatay dowladda Tansaaniya

Labada dhinac ayaa saxiixay heshiis ay iskaga kaashanayaan Dalxiiska.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 08:36AM