​Hogaanka Madasha oo qoraalka kale soo saaray [Akhriso]

Image

MUQDISHU, Somalia- Madasha Hoggaanka Qaran (MHQ) ayaa kulan ku yeelatay magaalada Muqdisho 25 – 26 Disembar 2016-ka iyagoo ka hadlay arrimo ku aadan doorashada Somalia gaar ahaan kuraasta muranku ka jiro oo war-murtiyeed soo baxay labo maalin ka hore go'aankooda lagu wareejiyay guddiga Khilaafaadka Doorashada Somalia.

 Shirkaasi oo daba socday kullankii madasha ee lagu qabtay magaalada Muqdisho, taarikhdu markay ahayd 15kii-24dii Disember, 2016, ayaa ujeedkiisu ahaa sidii go’aan looga gaari lahaa islamarkaana loo dhammaystiri lahaa arrimaha ka harsan dooroshada dadban ee Golaha Sharci dejinta Qaranka ee 2016ka.

Nuqul  kamid ah qoraalkaas oo helay Warsidaha Garowe Online, ayaa u qornaa qaabkan hoose;

Madasha Hoggaamiyeyaasha Qaran (MHQ);

▪ Ka dib markii ay dhageysatay warbixinta iyo tallooyinka Guddiga Xainta Khilaafaadka kullankoodii 26 December -2016

▪ Ka baaraandegtay nuxurka iyo duruufaha heeraariyey doorashada kuraasta muranka galey

▪ Fiiro-gaar ah u yeelatay macluumaadka dheeriga ah ee laga helay xog-isweydaarsiga MHQ iyo GXKHDD

Sidaas daaraadeed MHQ waxay guddomisay

a. In 5ta kursi ee hoos ku qoran dib loogu celiyo doorasho, laguna qabto mid walba degaaan-doorashadii horey loogu soodoortay, kuwaasi oo kala ah:

1) DRD/0010/PL Ugaar Saleebaan

2) HW/0055/GM Murusade

3) HW/0094/JL Gaaljecel

4) DM/0156/KG Macallin Wayne

5) HW/0208/HSH Jidle

b. Taariikhda dib-u-doorashada kuraastaas iyo abaabulka doorashooyinka waxaa loo xilsaaray guddiyada Doorashooyinka dadban ee heer federal iyo heer Dawlado Goboleed;

c. 7da kursi ee kale oo ka mid ahaa 11kii kursi ee horay uu u hakiyey GXKHDD waa la fasaxay, Waxaana la farayaa Guddiga Doorashooyinka Dadban ee heer Fderaal inay xildhibaanada kuraastan ku guuleystay ay siiyaan shahaadadooda xildhibaannimo.

d. Guddiyada Doorashooyinka Heer Federaal iyo Heer Dawlad Goboleed iyo Guddiga Xallinta Khilaafaadka waxaa laga codsanayaa in ay sida ugu dhakhsiyaha badan ee suurtogalka usoo dhamaystiraan hawlaha doorashoyinka weli dhiman ee mid walba hor yaal.

Liiska Xildhibaanada dib loogu noqonayo;

Sheekh Shaacir Maxamed (Koonfur Galbeed)

Maxamed Xasan Nuux (HirShabelle)

Cabdiqaadir Gaafow (Galmudug)

Cabdi Maxamuud Maxamed (Puntland)

Cabdullaahi Maxamed Aaden (Jubbaland).

Arrintan, ayaa timid xilli madaxda madasha iyo guddiga khilaafaadka doorashada  isku afgaran waayeen kuraasta 7 ah oo ay yirahadeen ha ansaxiyo kuwasoo sida warar lagu kalaoon yahay xusyaan ay ku jiraan xubno aysan rabin madaxda madasha ee tartamaya aan dib loogu celin doorashada.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM