​Jaamacadda PSU oo soo bandhigtay buug ka hadlaya musuq-maasuqa

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland- Waxaa hoolka shirarka jaamacadda Puntland State University (PSU) lagu soo bandhigay buug ka hadlaya noocyada musuq-maasuq ee ka jira deegaanada Puntalnd, taasoo jaamacaddu baaritaan ku samaysay.

PSU, ayaa diiradda saartay, dhibaatooyinka ka dhalan kara musuqa iyo siday u arkaan bulshada ku nool deegaanada Puntland ee xog aruurinta laga sameeyay.

Musaabad lagusoo bandhigayay buuggan, ayaa waxaa soo qayb galay Wasiirka Waxbarashada Puntalnd ,Masuuliyiin kale oo ka socota qaybaha kale ee dawladda, Hay’addo maxali ah, Ururada bulshada, Maamulka sare ee jaamacadda, Ardayda iyo Marti sharaf kale.

Guddoomiyaha jaamacadda PSU Maxamud Xamid Maxamed ayaa sheegay inay aad u adagtahay in dal ku yaalla qaaradda Africa cilmi baaris lagu sameeyo Musuqa, balse iyagoo taas garowsan ay ku dadaaleen sidii ay wax uun uga iftiimin lahaayeen.

Mas'uuliyiin iyo qaar kamid ah bulshada lagu casuumay bandhigan, ayaa sheegay inay aad ugu faraxsanyihiin tallaabada jaamacaddu qaaday, iyagoo xusay inay wax ka badali doonto dhinaca hormarka iyo yaraynta musuqa ka jira Puntland.

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Puntalnd Abshir aw -Yuusuf Ciise ayaa sheegay in jaamacadda PSU wax weyn ay qabatay, isagoo tilmaamay in waxa aduunka ugu weyn ay tahay cilmibaarista .

Mudane aw-Yuusuf, ayaa xusay in cilmi baaris kasta oo la sameyo ay meel dawo u tahay isoogana ugu baaqay in jaamacaddaha kale ee dalka ay baritaano ku qotoma waxyaabaha dadweynuhu u baahanyahay.

Dalka Somalia, ayaa safka hore uga jira waddamada ugu musuqa badan dunida.

HALKA KA AKHRISO BUUGGA AY JAAMACADDU KA QORTAY MUSUQ-MAASUQA KA JIRA DEEGAANADA PUNTLAND

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM