​Jawaari oo beeniyay inuu khadka teleefonka uga qayb galay kulan Madashu ka yeelatay arrinta Galmudug

Image

MUQDISHU, Somalia- Guddoomiyaha Barlamanka Federaalka Somalia, Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa beeniyay inuu khadka taleefonka uga qayb galay shir hogaamiyaasha Madashu ka yeesheen xaaladda murugsan ee maamulka Galmudug 11-12 bishan.

Jawaari, oo bartiisa Twitterka ku baahiyay qoraal kooban ayaa sheegay inuusan kamid ahayn dadkii kulankaas ka qayb galay oo ka hadlay xaladda maamulka Galmudug, balse lagu been abuurtay magaciisa.

"Anigu shirkaas ugama qayb galin taleefoon ahaan, mana kaga hadlin wax ku saabsan maamulka Galmudug,"Ayaa lagu yiri qoraalka Jawaari.

Wuxuu sidoo kale dhaliilay madasha Hogaamiyaasha isagoo xusay in waqtigeedu dhammaaday islamarkaana aysan waafaqsanayn dastuurka dalka u yaalla.

"Madasha hogaamiyaasha Qaran ma ahan Ansax, mana waafaqsana Dastuurka,"Ayuu sii  raaciyay Guddoomiyuhu hadalkiisa.

Arrintan, ayaa timid kadib markii qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Somalia, lagu sheegay in hogaamiyaasha Madashu kawada hadleen khilaafka siyaasadeed ee Galmudug, islamarkaana soo saareen baaq ku aadan in wixii jira ku dhammeeyaan wada hadal, waxaana la sheegay inaan maanta waddanku u baahnayn khilaaf siyaasadeed maadama lagu jiro doorashooyin iyo abaaro baahsan.

Mas'uuliyiintii qoraalkaasi magacyadooda lagu daray, waxaa kamid ah Madaxweyne Cabdiwali Cali Gaas. Waxaa xusid mudan in xiriirka maamullada Galmudug iyo Puntland aysan wanaagsanayn muddooyinkii dambe kadib dagaallo ka dhacay magaalada Galkacyo, mana jirto wax war ah oo kasoo baxay dhinaca  xukuumadda Madaxweyne Gaas oo ku saabsan inuu shirkaasi ka qayb galay iyo in kale.

Dhinaca kale, qoraal kaas lamid ah oo bartiisa xiriirka bulshada ku baahiyay, Guddoomiye Jawaari wuxuu uga hadlay xaaladda maamulka Galmudug, gaar ahaan mugdiga siyaasadeed ee soo kala dhexgalay Madaxweyne Guuleed iyo Xildhibaanada golaha shacabka, isagoo ku baaqay in dhinacyada ay khusayso xaaladda maamulkaasi waxyaabaha jira ku dhameeyaan wada-hadal.

GAROWEONLINE

Related Articles

XOG : Maxaa Keenay Dib U Dhaca Kulanka Madaxda Soomaaliya?

Casumaadda degdega ah ee kulanka ayaa timi kadib markii warsidaha…

  • Soomaliya

    20-04-2024

  • 02:40AM

Midowga Yurub oo ansixiyey $116.9 milyan loogu talagalay Soomaaliya

Qeyb kamid ah lacagtan ayaa waxaa la sheegay in ay heli doonan ciidamadda ATMIS.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 10:11AM