Juxa oo shaaciyay cida xilka ka-qaadi karta Madaxda maamullada

Image
Image

JOWHAR, Soomaaliya - Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisinta Soomaaliya Cabdi Faarax Saciid "Juxa", ayaa maanta khudbad xasaasi ah ka jeediyay xafladii caleema-saarka Madaxweynaha HirShabeelle Maxamed Cabdi Waare.

Wasiirka ayaa khudbadiisa ku billaabay tacsiyo uu u diray shacabka Soomaaliyeed ee dhibaatada kasoo gaartey qaraxii lagu xasuuqay dadka rayidka ah kaasoo ka dhacay 14-kii bishan Isgoyska Zoobe, ee Muqdisho.

Wuxuu uga mahadceliyay Umadda Soomaaliyeed guud ahaan sida ay ugu soo gurmadeen walaalahooda lagu laayay masiibadii Zoobe, ugana dhiidhiyeen dhacdadaasi oo midaysey shacabka.

Marka xigta, Juxa ayaa ugu hambalyeeyay Madaxweynaha HirShabeelle Maxamed Cabdi Waare caleema-saarkiisa, isagoo sheegay in howl-adag laga soo maray dhisamaha maamul goboleedyada.

Juxa ayaa marti-sharafta iyo mas'uuliyiinta dib u xasuusiyay wadadii dheereyd ee Soomaaliya ka timid iyo marxaladihii kala duwanaa ee lasoo maray, ee dhisamaha dowladihii KMG ahaa iyo kuwa Federaalka.

"40 sano ku dhowaad baa laga joogaa markii ay Soomaaliya hoobadka gashay markii ciidamda burbureen, markii hubka gacanta u galay shacabka, ugu dambeyntii 27 ka hor ayey dhacday maalintii loo yaqaaney Qabta oo jilbaha dhulka lagu dhuftay," ayuu yiri Juxa.

Wasiirka ayaa xusay in Soomaaliya ay soo martay Toban sano, oo aan aysan jirin cid magaca Soomaaliya ku hadasha kadib dalka uu billaabay inuu dib usoo laabto, iyadoo la dhisay 5 dowladood oo ugu dambaysay mida haatan jirta.

"In la yimaado Villa Somalia, oo calan Soomaaliyeed laga taago waxay ahayd halgan adag, oo meel dheer laga yimid, oo dagaal dheer loo soo maray, marka meesha aan maanta joogno ma ahan meel fudeyd lagu yimid, waa 17 sano oo is-biirsi ah, ma joogno meeshii aan rabnay inaan gaarno," ayuu hadalkiisa raaciyay Wasiirka.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu tilmaamay in Soomaaliya ay leedahay dowlad Federaal ah oo Hay-kalkeedu dhisan yahay, maamul goboleedyo, iyo Dastuur KMG ah oo wali aan la qabyo-tirin.

Maadaama uu hadda qalfoofkii dowladnimadu dhisan tahay waxaa loo baahan yahay ayuu yiri in dhiig lagu shubo, islamarkaana ay maamul goboleedyadu shaqeeyaan, oo fuliyaan adeegyadii bulshadooda

Wasiirka Arrimaha Gudaha wuxuu daboolka ka qaaday in Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada ay soo doorteen shacabka, islamarkaana ay iyaga kaliya la xisaab-tami karaan, xilkana ka qaadi karaan.

"Madaxweyniyaal dadkiina ayaa adin soo doortay, Madaxweyniyaasha dowlad goboleedyadaan la hadlayaa, iyaga ayaa adinla xisaabtamaya, iyaga ayaad u tihiin muraadayada aad isku eegaysaan," ayuu yiri Juxa.

Wasiirka waxa kaloo uu ka hadlay Federaalka, oo uu sheegey inuu ku yimid qaab ka maarmi waa ah, maadaama dadkii ay kala tageen, oo kalsoonidiii luntay, lana waayay qaab kalo oo la isagu soo celin karo dalka iyo dadka.

"Federaalka waa isu keenidii dadka, waa isu kab-kabidii, dowladda aan dhisaynaa waa loo baahan yahay inay ku dhisnaato isu tanaasul, isu damqasho, isu dibcin, is-maqal, iyo wada la-haansho ayaa looga baahan yahay, maadaama lawada leeyahay," ayuu hadalkiisa ku daray Juxa.

Juxa ayaa hoosta ka xariiqay in dowlad aysan dhismi karin hadii aysan la shaqeynin si isku mid ah dhamaan maamullada Federaalka ah, si dalka uu u helo dowlad midan jirta ka wanaagsan 2020.

Wasiirka arrimaha gudaha, ayaa ugu dambeyntii kula dardaarmay Madaxda dalka inay wada-shaqeeyaan, oo isku duubnaadaan, si loo gaaro hadafka dalka uu hiigsanayo, ee ah dowladnimo xoog leh iyo xasilooni waarta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM